HomeAqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Berbera,...

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Berbera, Kana Hadlay Go’aano Uu Qaadan Doono.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[B]erbera (SLpost)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta Kumanaan dadweyne oo watey boqolaal gaadhi oo lagu soo sharaxay Sawirada Jamaal ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah Magaalada Berbera, kadib markii uu ka soo kicitimay dalka Tanzania oo uu degen yahay,kuwaas oo ku soo wareejiyey guddaha Berbera, kadibna waxa la dejiyey Huteelka Maansoor ee Magaaladaasi.

blankDadweynaha soo dhaweeyey ayaa isaga kala yimid Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo kuwo kale iyo dadweynaha reer Berbera oo aan u kala hadhin, waxa soo dhaweynta si weyn uga dhex muuqday shaqaalaha dawlada, kuwaas Madaarka ilaa huteelka Maansoor boqolaal gaadhi ku galbiyey qeybaha Magaaladana ku wareejiyey.

Jamaal Cali Xuseen oo qolka nashada ee Madaarka Berbera ugu waramayey Warbaahinta ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan dadweynihii kala duduwana ee sida diiran u soo dhaweeyey.Waxaanu yidhi “Hadalkii haddii lagu cel-celiyo wax qiimo ah ma yeesho, intii aan odhana karayey waan idhi intii garteyda ahna waan sheegtey, imika waxaan u imid uun inaan

wada-tashi balaadhan la sameeyo dhamaan bahweynta Xisbiga UDUB, dhamaan taageerayaashaydii, dhamaan odayaashii dhamaan dhalinyaradii, waxgaradkii, haweenkii iyo dadkii I taageersana ee Xisbiga ka tirsanaa iyo kuwii aan Xisbiga ka tirsanayn, Waxay Soomaalidu tidhaahda i-jiid aan ku jiide waa gacmo daalis, immika waa in arrinka la so oaf-jaro oo dhinac-uun isugu-biyo shubanno.”

“Markaa wada-tashigaasi balaadhan kadib aan sameeyo ee dadka figradaheeda ogaado ee go’aammadii miiska noo saarnaa ee aannu qaadan karaynay ama UDUB ha noqoto ama meel kale ha noqotee inaannu markaa kaga dhawaajinno ayuun bay noqon doontaa haddii Illaahay yidhaahdo, waxaan rejaynayaa in Illaahay sida khayrka leh innagu waafajiyo. Waxan Madaxtinnimaduna waxa weeye wax Illaahay dadka calaf u siiyo ama uu u qoray inta badan karti kuma timaaddo.”Ayuu yidhi Jamaal.

blankWaxaanu intaas sii raaciyey, “Laakiin, dadku markay u gartaan Illaahayna u garto ayuun buu qofku helaa. Taasna markaan dadka la tashado ayaannu go’aan ka gaadhi doonnaa, immika hadal badan odhan maayo oo waanigii maalintii dhawayd garnaqsaday.”

Hadalkiisa kadib waxa Jamaal la weydiiyey Su’aalo kooban waxaanay u dhaceen sidan:

S: Jamaal ma jiraa go’aan kale oo kuu bannaan oo aan Xisbiga UDUB ahayn?

J: Waanigii maalintii hore ka shaaciyey Waraysigii aan bixiyey ee aan idhi xulasho qudha ma haysto ee go’aanno badan baan haystaa, wixii aan ka gaadhayno go’aankaana markaan bahweynta la tashado wixii aannu ka yeelayno qaadanaynaa Insha Allaah. Dhammaan go’aamadaasina miiska ayey noo saaran yihiin.

S: Go’aanka ma inta aad socdaalkaagan aad maanta dalka ku timi ku guda-jirto ayaad soo saaraysaa?

J: Insha Allaah haa, intan aan waddanka joogo ayaan soo saarayaa.

S: Jamaal, waxa jira hadal-hayn badan oo dadku ay hadal-hayaan in Xisbiga UCID aad u socoto, Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal-na aad isku-aragteen Dubia oo aad heshiis gasheen, bal arrintaa dadka u faahfaahi?

J: Waxa weeye Faysal waa nin aannu is-naqaanno, Xisbiga UCID-na Xisbiyadii aan taageeri jiray shaqsiyan ayuu ka mid ahaan jiray, go’aammadaa aannu kala dooranayno waa ka mid haddaad runta doonayso inaad ogaato. Laakiin, wax go’aan ah ama heshiis aannu soo wada-galnay ma jiraan. Marka aan dadka la tashado ayaanan go’aankeeda gaadhi  doonaa haddii Illaahay yidhaahdo.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories