Home“Aqoonsiga Somaliland Waxa Ku Jira Danaha Istiraatiijiyadeed iyo Dhaqaale ee UK” –Xildhibaan...

“Aqoonsiga Somaliland Waxa Ku Jira Danaha Istiraatiijiyadeed iyo Dhaqaale ee UK” –Xildhibaan Michael Ellis

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Xeer ilaaliyihii Guud ee hore ee Dalka UK, Sir Michael Ellis, ayaa soo bandhigay sababo Dowladda Ingiriiska ku waajibinaya inay hormuud ka noqoto aqoonsiga madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Sir Michael Ellis oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK, waxa uu sheegay in Somaliland ku taallo bogcad muhiim u ah ganacsiga iyo ammaanka dalalka reer galbeedka, sidaa awgeedna ay xilligan lagama maarmaan tahay in Somaliland loo aqoonsado waddan madax-bannaan.

Waxa uu xusay in Aqoonsiga Somaliland wax weyn ka tarayo isbeddelka ku yimi xaaladda ammaanka Badda Cas oo muhiimaddeeda la dareemay toddobaadyadii u dambeeyey kaddib markii weerarrada kooxaha Xuutiyiinta Yemen si weyn u dhaawaceen isu-socodka ganacsiga Adduunka.

“Somaliland waa saaxiib reer Galbeedku ku leeyihiin gobolka, waxaynu gacan ka geysan kartaa soo celinta xasilloonida marin-biyoodka maadaama ay kulaaleyso Gacanka Cadmeed,” ayuu yidhi Xildhibaan Michael Ellis, waxaanu intaas ku daray, “Danaha Istiraatiijiyadeed iyo Dhaqaale ee UK ayay ku jirtaa in la aqoonsado Somaliland, waana tallaabo muhiima in lagu dhaqaaqo,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in Dekedda Berbera ku taallo goob istaraatiijiyad ahaan ku haboon inay ka hawl-galaan maraakiibta dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska.

Sir Michael Ellis iyo Wasiirkii hore ee Difaaca UK Xildhibaan Gavin Williamson oo toddobaadkii hore Socdaal ku yimi Somaliland, ayaa dorraad Magaalada London kula shiray Wasiirka Arrimaha Dibadda UK, Lord Cameron, waxaanay u soo bandhigeen muhiimadda ay xilligan Dowladda Ingiriiska u leedahay in Somaliland loo aqoonsado waddan madax-bannaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories