HomeAqoonsiga Kala Duwanaanshaha - W/Q: C/rahmaan C/laahi Warsame

Aqoonsiga Kala Duwanaanshaha – W/Q: C/rahmaan C/laahi Warsame

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cabdiraxmaanWaligaa ma u malaysay in lagaa saxsanaan karo? Waxan uga jeedaa aad adigu qaldami karto, qof kalena sax noqon karo.

Waligaa ma ka fikirtay in xataa qof aqoon ahaan kaa hooseeyaa uu kaa qummanaan karo? Ma aaminsanthay maahmaahda soomaaliga ah ee tidhaahda qof walba qummanihiisa qoorta u sudhan.

Miyaad ku jirtaa ragga aaminsan in aan qof dumar ah, ilma yar, qof aan aqoon lahayn iyo in kale oo badaniba aanay kaa saxsanaan Karin? Haddii aad sidaa tahay miyaad saxsantahay mise waad qaldantahay?

Haddii aad aaminsantahay in aad mar walba saxsantahay waad qaldanthay, haddii aad aaminsantahay in aad qaldami kartana waad saxsantahay.

Akhriste waxa laga yaabaa inaad ka yaabtay su’aalahan aan kugu dhaga barjeeyay, laakiin waxa xaqiiqo ah in qofku haddii aanu aqoonsanayn kala duwanaanshaha banii aadanka ee dhinacyada, Diinta, Mabda’a, fikirka, dabeecadda, midabka jinsiga iyo wixii la hal maala aanu qofku ahayn qof diinta islaamka, ilbaxnimada iyo dhaqanka soomaaliga  wax ka garnaya, haba is moodo isagu inuu sidaasi yahaye.

Ilaahay quraankiisa waxa uu ku sheegay suuratul Baqara aayadda 256 in aanay diintu qasab ahayn, in kasta oo Ilaahay qof kasta ka doonayo in uu isaga rumeeyo isaga oo nabi Muxammadna NNKHA raacaya, haddana Ilaahay SWT waxa uu suuratu Kahf ku sheegay aayadda 29aad ( qofkii doonaana ha rumeeyo qofkii doonaana ha gaaloobo, gaalada waxa aanu u diyaarinnay naar……).

Ma jiro qof fikirkiisa midi lagu gooyay, meelo badan baa lagu kala duwanaan karaa.

Mabda’ ahaan waa lagu kala duwanaan karaa, mad-hab ahaanna waa lagu kala duwanaan karaa, midab ahaanna waa lagu kala duwanaan karaa, maan ahaanna waa lagu kala duwanaan karaa, majaraha noloshana waa lagu kala duwanaan karaa, masiirka oo laga tashadana waa laga kala duwanaan karaa.

Isla saxsanaanta qofku mar walba isla saxsanyahay waxa ku jira kibir iyo isla weyni salka ku haya aqoon darri.

Dadkeenna oo u badan af-kumaal, af-miishaar iyo af-ku xoogle, marka ay isugu yimaaddaan meelaha lagu qaxweeyo waxa aad arkaysaa isaga oo qof waliba doonaya in isaga la dhagaysto, tiisuna ay mar walba saxsantahay oo ay tahay in la qaato.

Tu kaloo ka daranbaa jirtee taana bal aan sheego. Marka dadka wax garanayaa ay ka aamusaan meelaha noocaas oo kale ah iyaga oo raacaya aayaddii quraanka ahayd ee macneheedu ahaa (marka ay dadka juhalada ahi la hadlaan waxa ay ku yidhaahdaan Nabadgalyo). Dadkan aynu ka sheekaynaynnaa waxa ay moodaan in ay dooddii ku adkaadeen doqonniimo awgeed.

Haddaba akhriste maxaa kula gudboon?

Waligaa isku haysan in aad mar walba saxsantahay wixii aan diinta islaamka ahayn, waayo diinta islaamka saxnimadeeda iyo khaladkeedu kuma xidhna badnaan iyo yaraan, ee waa sida naska quraanka iyo xadiisku sheegeen uun sida saxda ahi.

Dood ha kagalin oo ha ku xiiqin wax aan adduun iyo aakhiro toona faa’iido kuu lahayn sida muranka ma dhalayska ah.

Fakir adiga maskaxdaada ka weyn ayaa laga yaabaa inuu kaa saxsanyahay ee godob ha ka gelin ,dhehna waa laga yaabaa inaad iga saxsantahay. Waayo Nabiga NNKHA ayaa Ilaahay tarbiyaddaa siiyay sida quraanka ku taalla( ku dheh gaalada, annaga amma idinka midkeen uunbaa baadi ku sugan amma hanuunsan).

Saaxiibkaa/saaxiibaddaa fikirka ha ku ceebayn waxa laga yaabaa inuu/ inay kaaba saxsantahay, aqoonso inaad kala duwantihiin, sowkii cilmi boodhari lahaa, ‘waxa caynba cayn looga dhigay ha is cajabiyeene’.

Ku dadaal in aad wax dhagaysato halkii adiga marwalba lagaa dhagaysan lahaa dadkaa ku jeclaan, oo qof waliba waxa uu hayuu kuu sheegi.

Allow adkee arrinkayaga

Allow adkee arligayaga

Allow adkee islaamnimada

Allow cisee calankayaga

Allow cisee carrigayaga

Allow cisee caqligayaga

Qalinkii C/raxmaan C/laahi Warsame

Soo saare ka tirsan Tilifiishanka Qaranka Somaliland

Hargeisa Somaliland.

cbdrxmngeni@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories