HomeDhallinyaro Taageertay Musharraxnimada Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Saylici

Dhallinyaro Taageertay Musharraxnimada Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Saylici

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

NewsHargeysa (SLpost)-Aqlabiyadda Dhallinyarada Beesha Subeer Awal, ayaa shaaciyey taageerada ay u hayaan Musharraxnimada Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo u sharran jagada madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici oo markale u tartami doona Kursiga uu haatan ku fadhiyo.

Kulan Ballaadhan oo dhallinyaradani ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayey ku shaaciyeen inay si buuxda u taageersan yihiin Musharaxnimada Labadaas siyaasi ee Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa, waxana ay tilmaameen inay si kal iyo laab ah ugu hagarbixi doonaan sidii ay Hankooda uga dhabayn lahaayeen.

Eng. Cabdikariin Cabdilaahi Xaashi Cilmi Iyo Ismaaciil Galbeedi oo kamid ah dhallinyarada Beesha Subeer Awal, isla-markaana kulankaas qaban-qaabiyayaashiisa ahaa, ayaa halkaasi ka jeediyey Hadallo nuxurkoodu ahaa taageerada Dhallinyarada Beeshu u hayaan labadaas musharrax ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka loollamaya, waxana ay hogo-tusaaleeyeen inay codka dhalinyaradaas si fudud u heli doonaan.

Afhayeenkii Hore Ururka Dalsan Eng. Cabdikariin Cabdilaahi Xaashi Cilmi oo kulankaasi ka Hadlay, ayaa sheegay inay la dhacsan yihiin dhalinyarada Beeshu musharraxnimada Muuse biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici oo ku-xigeenkiisa ku tartami doona,  “Haddii aanu nahay dhallinyarada Beesha Subeer Awal, waxanu si buuxda u taageer sanahay musharraxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweynenimada Xisbiga Kulmiye u taagan iyo Eng. Cabdiraxmaan Saylici oo isaguna markii labaad u taagan kursiga Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee uu haatan ku fadhiyo. Si kal iyo laab ah ayaanu labadaas siyaasi u taageer sanahay, waxana aanu diyaar ula nahay inaanu codkayaga iyo maskaxdayadaba la garab galno, sababtoo ah waa laba nin oo dalka magac iyo sumcad badan ku leh, isla-markaana karaamo iyo sharaf badan aanu u hayno.” Ayuu yidhi Eng. Cabdikariin Cabdilaahi Xaashi.

Eng. Cabdikariin oo Hadalkiisa sii wata, ayaa dhammaanba shacabka Somaliland u soo jeediyey inay si midaysan u taageeraan Muuse Biixi Cabdi iyo Eng. Cabdiraxmaan Saylici oo diyaar u ah inay hoggaanka dalka si wada jir ah baallaha u wada qabtaan, waxana uu ku dheeraaday sida ay labadaas siyaasi u yihiin qaar ku haboon in hoggaaminta dalka lagu aamino.

Ismaaciil Galbeedi oo isaguna  kamid ah dhallinyaradii munaasibadaas hadallada taageerada ah kasoo jeedisay, ayaa si weyn u ammaanay doorka Hoggaamineed ee Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo muddo dheer shidhka ugu soo jirey Tareenka qaranka laga darawaliyo iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo Isaguna Muddo xisbiga Gacanta kusoo hayey,

“Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici ma aha laba nin oo aynu maanta baranaynee waa rag ruug-caddaadi ah oo hoggaamintooda lasoo tijaabiyey. Saylici muddo dheer ayuu madaxweyne-ku-xigeen soo ahaa oo la mahadiyey hoggaamintiisa, Sidoo kale Muuse Biixi Muddo dheer buu hoggaamiyaha Kulmiye soo ahaa, maantana waxa la gaadhay xilligii ay si wada jir ah qaranka majaraha ugu qaban lahaayeen, innaguna haddii ay dhallinyarada Beeshan nahay codkeena waa la garab taaganahay, wixii kale ee farsamo iyo hiil siyaasadeed ahna diyaar baynu ula nahay.”

Tiro kale oo dhalinyarada Beesha Subeer Awal kamid ah oo iyaguna Halkaasi ka Hadlay, ayaa si isku mid ah u taageertay Musharraxnimada Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, waxana ay halkaas ka caddeeyeen inay si midaysan u taageerayaal labadaas siyaasi oo haatan xisbiga dhexdiisa sida xiddigta uga bidhaamaya.

Kulankan ay dhalinyarada Beesha Subeer Awal ku taageertay Musharraxnimada Madaxweyne iyo ku-xigeen ee Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Saylici, ayaa daba socotay Kulamo isdaba joog ahaa oo dhawaanahan, dhalinyaro, waayeel, Haween iyo siyaasin kala duwan ku taageeraysay Musharraxnimada labadaas masuul.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories