HomeAqalka Sare ee Baarlamaanka Faransiiska oo ka hadlay Qadiyadda JSL iyo Kulan...

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faransiiska oo ka hadlay Qadiyadda JSL iyo Kulan dhexmaray Safiirka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Paris (SLpost)- Safiirka Somaliland ee Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan ayaa ku martiqaaday Guddiga Saaxiibtinimada Geeska Afrika ee Golaha Guurtida Faransiiska inay booqasho ku yimaadaan Somaliland, sida lagu sheega war qoraal oo ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faransiiska.

Warkan oo Isniintii shalay lagu baahiyey Website-ka Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa faahfaahin lagaga bixiyey kulan martiqaad Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika la yeesheen Safiirka Somaliland ee Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan iyo qodobadii labada dhinac ka wada hadleen.

blank6-dii bishan October xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faransiiska oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika Md Cédric PERRIN iyo ku-xigeenadiisa Olivier CIGOLOTTI oo qaabilsan dalka Jabuuti, Hugues SAURY oo qaabilsan dalka Sudan, Michel CANÉVET & Ms. Vivette LOPEZ, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Somaliland ee Faransiiska Md. Cali Ismaaciil Xasan  oo ay wehelinayeen laba khabiir oo lagu kala magacaabo Christian FRÉMAUX & Joël BROQUET oo ka mid ah saaxiibada taageera qaddiyadda Somaliland.

Kulanka Safiirka Somaliland Md Cali iyo Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika oo u shirgudoominayey Gudoomiye Md. Cédric PERRIN, ayaa lagu bilaabay,

“Somaliland, oo ah dhul ay ku nool yihiin 4 milyan oo qof,  ayaa ka go’day Soomaaliya inteeda kale 1991, ka dib markii la riday taliskii Siyaad BARRÉ. Hase yeeshee, madaxbannaanideeda, ma aqoonsana beesha caalamka, laakiin waddamada qaarkood waxay u muujiyaan taageeradooda aqoonsiga, tusaale, Taiwan iyo Dubai, ama, ugu yaraan,  sida Itoobiya.

Somaliland ayaa dedaal ugu jirta inay qadiyadeeda uga ololeyso Midowga Afrika, kana dalbatay khubaro shuruucda caalamka ku takhasusay inay raadiyaan dariiqa ay aqoonsiga u marayso, iyagoo maskaxda ku haya in dalal la mid ah oo aan aqoonsi haysan xubno ka noqdeen hay’adda Qaramadda Midoobay ee UNESCO sida dalka Falastiin.

blankQoraalka Golaha Guurtida ayaa la raaciyey in Safiir Cali oo ka jawaabayey su’aal uu weydiiyey Gudoomiye PERRIN, sheegay in taageerada Caalamka iyo QM Somaliland xiisaynayso in loo soo mariyo dalka Jabuuti.

Safiirka Somaliland ee Faransiiska oo ka hadlayey dhinacyada Somaliland iyo Faransiisku iska kaashan karaan ayaa sheegay xilligan dhinaca dhaqanka jirto, oo Somaliland ka furan yihiin xarumo luuqada Faransiiska, sida xarun Marwo Edna Adan samaysay iyo xarun ku taal Jaamacadda Camuud. Sidoo kale khubarada Faransiisku hormood u ahaayeen gaadhsiinta caalamka taariikhda aasaarta Laasgeel, sidoo kalena iska kaashan karaan dhinaca kheyraadka badda.

Safiirka Somaliland Md Cali waxuu ku martiqaaday Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika ee Golaha Guurtida inay booqasho ku tagaan Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories