HomeAqalka Congress-ka Maraykanka oo u Codeeyey in la Xaddido Awoodda Madaxweyne Trump...

Aqalka Congress-ka Maraykanka oo u Codeeyey in la Xaddido Awoodda Madaxweyne Trump ku Iclaamin karo Dagaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Washington (SLpost)- Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa u codeeyay qaraar lagu xaddidayo awoodda milateri ee madaxwyene Trump uu u leeyahay in uu dagaal ku qaado dalka Iran.

Qaraarkan waxa isku raacay inta badan xildhibaanada Congress-ka, inkasta oo aan wali loo gudbinin aqalka sare oo ay ku badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump ka soo jeedo.

blankTallaabadan ayaa looga gol-leeyahay sidii uu madaxweyne Trump Aqalka Hoose ugu soo wargelin lahaa tallaaba walba oo milateri oo ka dhan ah Iran, waxaase laga reebay haddii Iran ay weerar kusoo qaaddo Mareykanka, taas oo uu madaxweynaha xaq u leeyahay in uu iclaamiyo dagaal.

Dalalka Mareykanka iyo Iran may aanay shaacin dagaal milateri oo dhexmara, inkasta oo Iran ay sheegtay in weerarkii dhawaan ay ku qaadday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq uu bilaw u ahaa tallaabooyin milateri oo ay damacsan tahay.

Congress-ka Mareykanka ayaa cuskaday xeerkii awoodaha dagaalka ee sanadkii la ansixiyey sannadkii 1973-kii, kaas oo aqalka Congress-ka awood u siinaya in ay eegaan awoodda uu madaxweynuhu uu u leeyahay in uu dagaal iclaamiyo.

Haseyeeshee, waxaa wali taagan su’aalo la xidhiidhao dhanka sharciyadda, taas oo ah in Congress-ku uu cuskan karo qodobkaas sharci.

Afhayeenka aqalka kongreska, Nancy Pelosi ayaa markii Mareykanka uu dilay Qassem Suleimani waxay sheegtay in aanay aaminsaneyn in Mr Trump uu nabadgelyo kusoo dabaalay Mareykanka.

Balse Trump oo ka hadlay qaraarkan ay u codeeyeen Congress-ka ayaa sheegay in uu rajeynayo in xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsan yahay ay qaraarkan ku gacan seydhi doonaan.

Arrinta ayaa timid kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq. Trump ayaa sheegay in aanay jirin dad Mareykan ah oo wax ku noqday weerarkaas, burbur aan weyneyn-na uu soo gaadhay xarumahaas.

Mar uu la hadlayay warbaahinta ayaa madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sheegay inuu cunaqabateyn hor leh kusoo rogeyo Iran, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran.

Trump ayaa dhinaca kale dalalka Midowga Yurub, Ruushka iyo Shiinaha ka dalbaday inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay.

In ka badan 10 gantaal oo laga soo riday gudaha Iiraan ayaa lagu garaacay labo saldhig oo ay ciidamada Cirka ee Mareykanku ku leeyihiin magaalooyinka Irbil iyo Al Asad oo dhinaca galbeed ka xiga caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Weerarradan ay Iiraan fulisay ayaa yimid saacado yar ka dib markii la aasay Qasem Suleimani oo ahaa taliyihii ciidamada Iiraan ee Bariga dhexe.

Weerarrada Iiraan ayaa noqonaya kuwii u horreeyay ee ay si toos ah ugu qaadday Mareykanka, tan iyo qabsashadii safaaradda Mareykanka ee Tehran sanadkii 1979-kii oo lagu af-duubay muwaadiniin badan oo Maraykan ah.

@BBC

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories