Home“Annigu Goob-joog Kamaan Ahayn Meel Axmed Silaanyo Isku Casili Gaadhay, warkaasina Maaha...

“Annigu Goob-joog Kamaan Ahayn Meel Axmed Silaanyo Isku Casili Gaadhay, warkaasina Maaha War Xaqiiqo Ah Caafimaadka…” – Maxamuud Xaashi Cabdi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xaqiiqo aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay sheeko ku xusan buug uu dhowaan soo saaray wasiirkii isaga xilka uga horreeyey ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo uu ku sheegay in madaxweynihii wakhtigaas Axmed Maxamed Siilaanyo go’aan saday inuu xilka iska casilo markii uu talada dalka hayay muddo bil ah kaddib markii uu ogaaday in xannuun ka haleelay dhinaca xusuusta.

maxammuud xaashiMaxamuud Xaashi Cabdi xilligaas ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, ayaa isaga oo daba-socda qoraalkaas ku xusan Buugga Xirsi Xaaji Cali, waxa uu sheegay inaanu jirin go’aan madaxweynuhu xilligaas ku gaadhay inuu is-casilo isla markaana caafimaadkiisu wanaagsanaa. Waxa kale oo uu beeniyey in goob-joog ka ahaa Kulan uu Xirsi sheegay inay isugu yeedhay Marwada Madaxweynuhu kaddib markii Md Siilaanyo go’aasaday inuu is-casilo.

Haddaba, Maxamuud Xaashi waxa uu arrintan iyo arrimo kale kaga hadlay, qoraal uu maanta soo saaray, kaas oo uu kaga hadlay arrintan iyo arrrimo kale.

Qoraalka Madaxamuud Xaashi, ayaa u qornaa sidan:- “Ma jecli inaan faah-faahin ka bixiyo buugga uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu qoray, waxaan jecelahay inaan gor-fayntiisa u daayo shacabka Somaliland,waa ta koowaade annigu goob-joog iyo makhraati midna kamaan ahayn kulanka xirsi sheegay in marwadu noogu yeedhay ee ku saab-sanaa in madaxweyne Silaanyo is-casili gaadhay, warkaasi maaha war xaqiiqo ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo waxaan ahaa gacan-yarihiisii wakhtigii uu ahaa murashaxa xisbiga KULMIYE,waxaan ahaa todoba sanadood wasiir xukuumadiisa ka tirsan, labadii sanno ee u danbeeyayna waxaan ahaa gacan-yarihiisii gaarka sidaas awgeed caafimaadka madaxweyne Silaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan,caqligiisa iyo maskaxdiisuna waxay ahayd taam taasina waa ta suurta gelisay in Axmed Silaanyo todobadii sanno ee uu ahaa madaxweynaha uu dalkani kala soo dabaashay duruufo addag oo kala duwan, hadii caafimaadka madaxweynuhu khaldanaa dal-na muu maamuleen,guulna ma gaadheen,Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay kawarmi karaan xaaladiisa koox kooban,waxa uu ahaa nin ballaadhan oo aanay waxba u qarsoonayn.

Marwada 1aad ee Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Maxamed Jirde waxay ahayd sida uu Xirsi-ba buugiisa ku xusay haweenay waxbaratay,kana danbaysa ninkeeda iskana dhawrta fara-gelinta maamulka dawladda, sidaas darteed hadii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sano ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay ahayd marwo gurigeeda ku kooban,labadii sanno ee danbana sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin.  Wabilaahi Tawfiiq.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories