Home“Annagu waxaanu u aragnaa xeelad ay doonayaan inay dawladdu dib ugu dhigto...

“Annagu waxaanu u aragnaa xeelad ay doonayaan inay dawladdu dib ugu dhigto doorashooyinka, mid la aqbalayana maaha oo…”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka digay in xukuumaddu diwaan-gelinta Madaniga ah sabab uga dhigato dib-u-dhac ku yimaadda doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka soo socda.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa kaga dhawaaqiyey in diiwaangelinta Madani ahi tahay xeelad xukuumaddu ku doonayso inay doorashooyinka dib uga riddo wakhtiga loo cayimay oo ku beegan badhtamaha sannadkan 2015-ka, waxaanu sheegay inaanay xisbi ahaan ka oggolaan doonin dib u dhac ku yimaadda doorashada.

UCID“Annagu waxaanu u aragnaa xeelad ay doonayaan inay dawladdu dib ugu dhigto doorashooyinka, mid la aqbalayana maaha oo deeq-bixiyeyaasha waanu kawada hadalnay, dawladdana waanu ka wada-hadlnay mawqifkayaga. Ma ogolin doorashada in dib loo dhigo oo la isticmaalo xeeladdan,” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isaga iyo masuuliyiin sar-sare oo xisbiga ka tirsani warbaahinta kula hadleen guriga uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Guddoomiyaha Wargeyska xayiran ee Haatuf oo la sheegay in xaaladdiisa caafimaad liidato ka dib xabsi muddo saddex sanno ah oo maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay, balse markii uu dhowr bilood ku jiray lagu sii daayey cafis la sheegay inuu ka helay madaxweyne Siilaanyo.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waxa uu shaki geliyey in meesha laga saaro diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka isla markaana diiwaangelinta Madaniga oo xukuumaddu maamulkeeda gacanta ku hayso loo adeegsado doorashooyinka soo socda lagu galo.

“Waxaan u arkaa (Diiwaangelinta Madaniga ah) mid ay gacanta ku hayso dawladdu, tii dawladdu gacanta ku haysay, haddii la raaco meesha doorasho ma jirtee, iyaga (Xukuumadda) ayuunbaa is-dooranaya,” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo dhawaaqiisu daba-socdo hadal maalintii Isniinta ee todobaadkan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo warbaahinta u soo bandhigayey qalabka diiwaan-gelinta muwaadiniinta oo dalka soo gaadhay todobaadkan, waxaanu halkaas wasiirku ka sheegay in gobollada iyo degmooyinka dalka la gaadhsiin doono Agabka lagu fulinayo diiwaangelinta Madaniga ah labada todobaad ee soo socda, isla markaana dalka oo dhan laga qabanayo bishan gudaheeda oo hore loogu muddeeyey.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories