Home“Annagu Mucaarid Ka Dabaallan Meynee Kolba Ka Kursiga Ku Fadhiya Ayaanu Sida...

“Annagu Mucaarid Ka Dabaallan Meynee Kolba Ka Kursiga Ku Fadhiya Ayaanu Sida Xaaji CAbdi Waraabe Naqaannaa” Mahadi Cismaan Buuri

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa  (SL.Post) Wasiiru dawlaha wasaaradda biyaha Somaliland  Mahdi Cismaan Buuri,  ayaa khudbad uu ka jeediyey madal ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee wasaaradda duulista hawada, waxaa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyay dhacay Wasiirka cusub ee xilka lagu wareejiyey oo ay maraaxil kala duwan isla soo mareen.

 

 

IMG_0826

 

“Waxaanu isku nahay Jaar, Waxaa kale oo aanu isku ahayn xildhibaano dhacay oo labadayadu  waanu dhacnay….Farxaan Aadan Heybe isaga oo aad u yar ayuu ahaan jiray adhiille oo uu adhiga dhoofin jiray waxaanu noqday ganacsade adhiga dhoofiya oo guuleystay, kadib waxaa uu la yimi damac siyaasadeed oo wuxuu ahaa xildhibaankii [musharraxii] noogu yaraa ee musharraxiintii degmada Gacan libaax ee UDUB (ee doorashadii golaha wakiillada 2005-kii) oo astaantiisu waxa ay ahaanjirtay Kubbed. Markii aanu doorashadii dhacnay baa nimankii isaga doortay waxaa ay ku yidhaahdeen Farxaannoow Codkayagii waad iibsatay, ileyn nin ganacsade ah buu ahaaye waxaa ay is yidhaahdeen malaha waxoogaa buu jeebka ku shubtay, dabadeedna waxaa uu tegey TV-ga oo isaga oo degen buu si fiican u qanciyey nimankii doortay isaga oo u sheegay in aan ruuxa musharraxa ahi lahayn codka la siiyey ee uu xisbigu iska leeyahay oo sida loo kala badsaday codadku loogu siyaadin doono musharraxa kale si uu u soo baxo”. ayuu Wasiir Buuri yidhi.

 

 

 

Geesta kale Wasiiru dawlaha Wasaarada biyaha  waxaa uu wasiiru dawluhu ka sheekeeyey maraaxil ay wasiirka cusub isla soo mareen xilligii xukuumaddii UDUB oo ay labadooduba kamid ahaayeen kaadiriinita xisbiga, markii dembena uu midkood xil wasiirnimo ka qabtay xukuumaddaas, waxaana Mahdi Cismaan Buuri mar uu ka sheekaynayay xilliyadii uu xisbigoodu saaxadda ka bixi doono iyo qorsheyaashii ay isku deyeen in ay ku bedbaadiyeen oo markii dembe suurtogeli waayay waxaa uu ydihi wasiirku  “Mar kale xisbigii UDUB baanu isugu nimi si aanu u badbaadino, waxaanu ahayn aniga [Mahdi], isaga (Farxaan) iyo Axmed Yuusuf Yaasiin [Madaxweyne ku xigeenkii hore], in badan baanu isku daynay inaanu bedbaadino xisbiga, laakiin si uu u burburayba markii dembe (UDUB) waa uu iska burburay, kolkaas kadib dee nin faraha dhigaya maaha’e Farxaan waxaa uu u wareegay GAVO (Mid kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland), NGO-gan oo uu isagu aasaasay waxaa uu ahaa mid caawiya dadka dhimirka wax ka qaba ee ku jira cusbitaalka Berbera, xilligaas aniguna waxaan noqday wasiir ku xigeenkii wasaaradda caafimaadka oo halkaasna wada shaqayn baa nagu dhex martay. runtii nin galaangal badan buu ahaa oo sida roobka dhinac walba kaaga imanaya, kolkaas waxaan arkaa anigoo wax saxeexaya, markaasuu Cabdi Heybe (Wasiirkii Caafimaadka ee UDUB) igu yidhi yarka ma wax baa idinka dhexeeya, dabadeed anna waxaan ku idhaahdee mayee dee inanku miyaanu reer New Hargeysa ahayn, dee adeer baan u ahay”. “Dabadeedto haddana waanu ka soo gudubnay oo  waxaanu isugu nimi KULMIYE oo waxaanu nidhi waar dee waxaynu ahayn xisbul xaakim oo mucaarid ka dabaallan maynee kolba kaas kursiga ku fadhiya ayaynu sida xaaji Cabdi WAraabe Naqaannaa, markaas dee dhalinyarada aan anigu ugu weynnahay, iyo odayaasha aan ugu yarahay waxaanu isla garanay inaanu xisbul xaakimkaas iska ag joogno, aakhirkiina anigu xukuumadda KULMIYE Wasiiru dawle ayaan ka noqday isaguna waa kaas wasiirka buuxa ku soo booday”. ayuu yidhi Wasiiru dawlaha wasaarada biyaha Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories