Home“Annaga Waxa Na Haysata Dhibaato Ah, Waxa Nala Leeyahay Waxaad Ka Timaaddeen...

“Annaga Waxa Na Haysata Dhibaato Ah, Waxa Nala Leeyahay Waxaad Ka Timaaddeen Somaliland” Xuseen Carab Ciise

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Xuseen Carab Ciise oo ah Siyaasi ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan Mabda’a Midnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Doorashada Xubnaha Somaliland uga qayb-galaya Baarlamaanka Dalkaasi lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, halka Xildhibaannada kale ee Baarlamaanka ka qayb-galaya loo diray Maamullada ka dhisan deegaannad ay ka soo jeedaan.

d6688840930b1150dacb

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan ee ay wakhtigan ku mashquulsan yihiin tahay sidii Mar labaad loogu dooran lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, sidaa daraadeed maaddaama oo aanay Somaliland iman karin qorshuhu yahay in doorashadooda lagu qabto Muqdisho, Wallow aanay illaa hadda jirin Ergooyin reer Somaliland ah oo doonaya inay doorashadaa ka qayb-galaan si ay ugu codeeyaan Xildhibaannada doonaya inay Baarlamaanka ka mid noqdaan.

“Xildhibaan kasta waxa ugu muhiimsan siduu mar labaad u soo noqon lahaa, imikana Xildhibaannadii waxa lagu yidhi mid wallowba tag Maamulkaagii, Annaga waxa doorashada lagu qabanayaa Muqdisho (Xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ka qayb-galaya Baarlamaanka). Markaa shaqadayada ugu horeysaa waa sidii uu Nin walba uu Kursigiisii Baarlamaanka dib ugu raadsan lahaa.” Ayuu yidhi, Xuseen oo u warramay Telefiishanka Bulsho, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay saluugga Dadka Reer Somaliland ee halkaa ku sugani ka muujiyeen Tirada Kuraasta looga qoondeeyay Baarlamaanka, taasi oo aan ilaa hadda xal laga gaadhin, “Annaga Culayska ugu badan ee na saarani waa sidii Dadka ka soo jeeda Somaliland ay qayb Sax ah uga heli lahaayeen Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, markaa waa inaanu ku hubsanno inay qayb sax ah helaan, inkasta oo aanaan annagu Miiska (Xukunka) fadhiyin oo ay fadhiyaan kuwa Xukunka ku jira, haddana waanu la eegaynaa oo waanu Cadaadinaynaa in Tiradii Saxda ahayd ee Kuraasta Baarlamaanka la soo helo.”

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo la waydiiyey sida uu u arko hadallada Masuuliyiinta Somaliland ku sheegaan in Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho joogaa Shaqo tag yihiin, ayaa ku jawaabay, “Waxaan Aaminsanahay in aanaan ahayn Dad soo shaqo tagay ee aanu nahay Dad aaminsan waxay samaynayaan. Maaddaama oo aan Somaliland weli la aqoonsan Beesha Caalamku Soomaaliya waxay ula dhaqantaa in Soomaaliya mid tahay, markaa waxaanu halkan u joognaa inaanu arrintaa ka qayb-qaadanno (Midnimada),markaa Dadkaa leh nama matalaan waxaanu ilaalinaynaa xuquuqdooda iyo qaybtii ay ku lahaayeen Soomaaliya. Maalinta si rasmiya loo kala tago (Somaliland iyo Soomaaliya), ayaa Qof kasta oo ka soo jeeda Somaliland looga baahan yahay Go’aanka saxda ah, laakiin inta Mid la yahay Sharciyan waa inaanu joogno oo aanu ilaalino wixii reer Somaliland lahaayeen iyo inaan xaq-daro dambe dhicin.”

Xuseen wuxuu amaanay Dawladnimada iyo Hannaanka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hano-qaaday, “Waxyaabaha aanu reer Somaliland ugu hambalyeynayno waa horumarka ay ka gaadheen Dawlad-wanaagga, doorashooyinka iyo Xisbiyada iyo Nidaamka Dawladeed ee ay samaysteen oo ah ka Afrika oo dhan ugu wanaagsan, Saddex Dawladood bay ku soo dhiseen Doorashooyin Hal Qof iyo Hal Cod ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in dhibaatada Muqdisho ku haysata Siyaasiyiinta Somaliland ay tahay in la cunsuriyadeeyo, “Annaga waxa na haysata dhibaato ah waxa nala leeyahay waxaad ka timaaddeen (Somaliland) ee maxaad halkan (Soomaaliya) ka qabanaysaan, xaggaana waa la naga riixayaa.”

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories