Home“Annaga iyo dawladda farqiga noo dhaxeeyaa waxaa weeyaan waa Awdal oo aan...

“Annaga iyo dawladda farqiga noo dhaxeeyaa waxaa weeyaan waa Awdal oo aan idhaahdo Xuquuqdeedii ha la siiyo, tabashadeeda ha la dhagaysto” – Faysal Cali Waraabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

faysalHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cai Waraabe, ayaa sheegay inuu mar kasta sheego in Somaliland ku fadhido Siyaayadda ama Masallaha reer Awdal, isla markaana aan dadka ka soo jeeda ama u dhashay Awdal laga filayn ama looga baqaynin inay wax burburinaya ama dhibaato gaadhsiinaya nabadgelyada, wada-jirka, Qarannimada iyo dawladnimada Somaliland.

Guddoomiyaha UCID oo Khamiistii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay Safar uu ku soo maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo muddo toban maalmood ah qaatay, ayay Madaarka ku soo dhaweeyeen Masuuiyiinta sarsare ee Xisbigaasi, waxaanu halkaas kula haday Weriyeyaasha ka hawlgala Warbaahinta dalka.

“Anigu waxaan maqnaa muddo 10 cisho ah, waxaan ku maqnaa waddamada aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Itoobiya oo ka mid ah dawladaha ku jira Urur-goboleeda IGAD haddi aynu doonayno in aynu yeelanno xidhiidh Siyaasiya ahna waa halka aynu ka bilaabayno. Qaddiyadda Somaliland dhawr jaranjaro ayay leedahay IGAD ayaa kow ka ah Midawga Afrika ayaa ku xiga, markaasaa kor loo baxayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Markaa, labadaas waddan danteenna ayun baan u tegay si fiicanna waannu isu soo af-garannay. Markaa, Somaliland deggenahaansheheeda iyo amnigeeda dan ayay u tahay cid kasta geeska Africa oo dhan in ay Somaliland Xuduudaheedu yihiin xuduudo caalami ah ayaannu kala soo hadalnay. In Somaliland diyaar u tahay cid kastoo wax tabanaysa in ay gacmo furan ku soo dhaweyso, in ay Somaliland aad iyo aad raalli uga tahay in ay degto Soomaaliya, ayaannu u sheegnay.

“Waayo? Nabadgelyo-darrada ka jirta Soomaaliya innaga dhibaato wayn ayay innagu haysaaa, waayo? Waxaynu nahay qof caafimaad-qaba oo qof buka lagu xidhay inta uu jiifo adna waad jiiftaa oo wuu kugu xidhanyahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Faysal mar uu ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee labadii toddobaad ee u dambeeyey ka taagnayd gobolka Awdal, waxa uu yidhi; “Odayaasha reer Awdal ee dorraad hadlay waa nidaamka keliya ee ay Somaliland ku waartay uga biqi mayno reer Awdal in dhibaato u geystaan nabadgelayda Somaliland iyo jiritaankeeda-ba. Mar kasta waxaan idhaahdaa Somaliland waxay ku fadhidaa Sijaayadda Reer Awdal, waxaan jecelahay in arrinta Suldaankuna ay dhammaan doonto, Xukuumadduna ha iska dayso fal-celinta deg-degga ah qof wax tirsaday oo meel galay Somaliland waxba ma yeeli karo.”

“Waxaan jecelnahay in ay cagta u dhigto oo ay dadka u dhago furnaato oo noqoto mid dadka midaysaa maalin dhawayd oo aan hadlay, ayaa waxa la sheegaya in reer Awdal si khaldan u qaateEn waxaan u sheegayaa reer Awdal annaga iyo dawladda farqiga noo dhaxeeyaa waxaa weeyaan waa Awdal oo aan idhaahdo Xuquuqdeedii ha la siiyo, tabashadeeda ha la dhagaysto, reer Saylac waan ogahay oo waa wada dagtaan, dhulku wuu innaga badanyahay, ujeeddadu waxay ahayd yaan laga haajirin Somaliland ee ha loo soo haajiro,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories