Home“Anigu noloshayda weligay maan isticmaalin drugs-ka kordhiya awoodda, weligayna ma qaadan doono"...

“Anigu noloshayda weligay maan isticmaalin drugs-ka kordhiya awoodda, weligayna ma qaadan doono” Mo Farah

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

London, (SLpost)- Orodyahanka Soomaaliyeed, isla markaana u orda England ee Mohamed Farah oo ay baryihii ugu dambaysay uu culays weyni ka saarnaa arrin la xidhiidha inuu isticmaalay drugs-ka kordhinaya awoodda qofka ayaa si adag u beeniyay inuu wax Drugs ah noloshiisa isticmaalay wuxuuna carabka ku adkeeyay inaanu weligii isticmaali doonin.Mo Farah

Mohamed Farah oo bartiisa facebook ku baahiyay qoraal uu saxaafadda ugu talo galay ayaa yidhi: “Anigu noloshayda weligay maan qaadan drugs-ka kordhiya bandhiga, weligayna ma qaadan doono, anigu waayahayga ciyaareed waxaan soo maray boqolaal baadhitaan, baadhitaan kastaana wuxuu noqday mid aan waxba laga helin, anigu si buuxda ayaan saraakiisha ugu sharaxay labada baadhitaan ee keliya kuwaas oo aan weligay seegay, kaasoo ay saraakiishuna fahmeen, taasina weligeedba may soo jeedin waxaan qalad sahlan ahayn.”

Mohamed Farah ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay ahaayeen waqtigii noloshiisa ugu adkayd wuxuuna yidhi, “Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen kuwii noloshayda ugu adkaa, iyada oo laysla dhex-marayay warar aniga igu saabsan oo gabi ahaanba been ah, saamaynta ay arintani ku yeelatay qoyskayga iyo asxaabtayda ayaa iga cadhaysiisay, waxayna igu riday cadho iyo murugo”.

“Gaar ahaan saxaafadda oo culays saartay qoyskayga curdinka ah iyo xaaskayga oo ah xaamilo shan bilood ah taas ayaa ah mid aad u xanuun badan iyada oo aan anigu waliba tabobar kaga maqanahay iyada oo uu jiro tartan muhiim ahi.”

Mohamed Farah ayaa sidoo kale sheegay inuu hubiyay in tabobarihiisa Alberto Salazar uu bilaa dembi yahay, kaasoo hore loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa dhoofinta drugs adduunka laga mamnuucay. 

Wuxuuna Mohamed Farah oo tabobarihiisa ka hadlayaa yidhi, “Sidii aan horeba u cadeeyay, waxaan Portland u tagay si aan ula hadlo Alberto Salazar waxaanan ka dalbaday jawaabo.Waxa uu ii xaqiijiyay in eedaymuhu ay been yihiin iyo inuu cadaymo ii keeni doono si ay wax u cadaadaan”.

Intaa kadib ayuu Mohamed Farah u mahad celiyay taageerayaashiisa, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo weliba ciyaartoyga kale wuxuuna yidhi: “Waxaan doonayaa in aan fursadan uga faa’iidaysto in aan u mahad ciliyo taageerayaashayda, qoyskayga, asxaabtayda iyo ciyaartoyga aanu isku kooxda nahay oo aan dhamaantood uga mahad celinayo taageeradii weynayd ee ay isiiyeen maalmihii ugu danbaysay, waxaanan rajaynayaa in hadda la ii ogolaan doono in aan tabobarkayga wato iyo in aan biladu wadankayga ugu soo guulaysto”.

Somalilandpost.net

Xigasho: Laacib.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories