Home“Aniga Oo Wax Dilli Kara Duco Qaadan Maayo: Waan idhi  laakiin Waxa...

“Aniga Oo Wax Dilli Kara Duco Qaadan Maayo: Waan idhi  laakiin Waxa Si Khaldan U Turjumay Cukuse” Muuse Biixi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

SLpost(Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay hadal xanaf badan ku dhex abuuray bulshada Somaliland, kaas oo laga soo wariyay inuu ku tiraabay xiligii dagaalada sokeeye ka socdeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland dawladdii Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal, wakhtigaas oo uu aha Wasiirkii Arrimaha Gudaha sanadihii,1994.

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo xalay Su’aalo toos ah lagu weydiinayay Barnaamij uu soo qaban-qaabiyay TV-ga afka soomaaliga ku hadla ee HCTV, ayaa waxa ka mid ahaa su’aalihii la weydiiyay  mid soo jiidatay dhammaan dadkii barnaamijkaas daawanayey iyo intii goobta ku sugnayd taas oo uu weydiiyay Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa ku sheegay Cabdiwahaab Xasan Ismaaciil, wiilkan ayaa markii uu helay fursadda su’aasha uu qabo oo ahayd mid ka badatay dhagaha dadka maqla magaca Muuse Biixi Cabdi wuxuu si kalsooni ku dheehantahay u yidhi.  “Guddoomiye maadama oo aad doonayso inaad Somaliland Hoggaamiye ka noqoto waxaa jira qayb kamid ah shacbiga Somaliland oo tabanaaya weedho hore oo aan wali bogsan kuwaas oo aad berri cod ka rabto, tabashadaasi waxaa weeye waxaad tidhi sannadkii 1994-kii addiga oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka. “Anigoo  Wax Dili kara Duco Qaadan Maayee, Dagta Qorigu Hay Jaro” maxaad ka odhan lahayd hadalkaas?

Muuse Biixi ayaa eedda faafinta weedhaas wuxuu dusha ka saaray Wasiirka warfaafinta ee imika Cabdillaahi Maxamed Daahir (CUKUSE). Wuxuuna markii ugu horeysay qirtay inuu weedhaas yidhi balse si khaldan loo turjumay cida u qaloocisayna ay tahay Wasiirka Warfaafinta Mr. Cukuse. “Weedhaas waan idhi waxaanan ka idhi khayryadda, waxaanan anigu ula jeeday Soomaaliya cidda sida khaldan u turjuntay waa Cabdillaahi Cukuse oo ah Wasiirka Warfaafinta.” Sidaa ayuu yidhi Mud. Muuse Biixi Cabdi.

Weedhan  “Anigoo  Wax Dili kara Duco Qaadan Maayee, Dagta Qorigu Hay Jaro“. waxay kamid ah xasuusaha go’i waayay ee markasta lagu soo hadal qaado dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo wasiirnimadii arrimaha gudaha ee Muuse.

Si kastaba ha ahaatee barnaamijkan xalay su’aalaha lagu waydiinayey Muuse Biixi Cabdi horana lagu soo waydiiyey labada guddoomiye ee WADDANI iyo UCID ayaa aad u xammaasad iyo xiiso badnaa. Barnaamijkan ayaa faa’iido badan u leh bulshada wax dooranaysa haddii ay cabbirayaan qaabka ay su’aalaha uga jawaabayaan hogaamiyayaasha xisbiyada iyo waxa ay bulshada u qaban karaan haddii loo codeeyo.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories