Home“Aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta Somaliland (1997 – 1999), ayaa arooryo si...

“Aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta Somaliland (1997 – 1999), ayaa arooryo si lama filaan ah Madaxweyne Cigaal iigu yeedhay oo yidhi ‘Geesow bal galabta ii keen wixii Odayaal Warsangli ee magaalada jooga aan la sheekaystee’

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Maxamed Siciid Gees
Maxamed Siciid Gees

Dharooro Xusuustood

Xasanaw xoolodhaqasho iyo markaad xilli ka weynaatid

Saw dharaaro tegay xasuustood dib uma soo gocatid

Maxamed Siciid Gees – Hargeysa

Qeybtii 7aad

Aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta iyo Isu-dubariddida Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadadii (1997 – 1999), ayaa arooryo si lama filaan ah Madaxweyne Cigaal iigu yeedhay oo yidhi “Geesow bal galabta ii keen wixii Odayaal Warsangli ee magaalada jooga aan la sheekaystee.” Galabtii ayaan ilaa toban Oday oo kuwii ganacsada ahaan jiray oo hadda magaalada iska joogaa oo aan wax hayn, ayaan ugu keenay madaxtooyada oo fadhi loogu diyaariyey. Halkii ayaa Berbera iyo waayo laga sheekaystay. Waxa ku jiray rag garanaayay Xaaji Ibraahim Cigaal oo la ganacsan jiray, waa (Ina Xaadhxaadhato) Madaxweynaha Aabbihii.

Cigaal ayaa sheekayey oo yidhi; “Waxa war ii keenay wardoonka oo yidhi nin Hawiye ah ayaa bakhaar ka furtay magaaladan Hargeysa, ninkaasi oo iibsadaa hubka. Qolada warka ii keentay waxa ay u arkayeen in ay arrin dhiilo ah tahay.” Aniguse waxa aan ku idhi; ‘Waa war yididiilo leh.’

“Hawiye maahe waxan jeclaan lahaa in Hindi iyo Carabiba ay meherado ka furato Hargeysa, taas oo yididiilo u ah nabadda dalku gaadhay. Dhinaca iibsashada hubka waxan ka idhi waar ka iibsha ka dawladana, qorigii innaga tagaaba, waa nabad inoo soo korodhay.”

Kaaf iyo kala dheeri aragtidaas iyo madaxa Soomaaliya ee meel walba u tegay cunqabtaynta hubka ha nagala qaado ee hubka cusub raadsanaysa.

Waxa culumada cilmi naftu (Psychologists) xaqiijiyeen, in haddii qorigu kaa ag dhaw yahay isticmaalkiisuna uu fudud yahay. Waxay si farshaxanleh u sheegeen, farta ayaa keebka jiidda marka la ridayo qoriga hadda keebkuna farta waa uu soo jiitaa markiisa oo qorigu wuu isridaa.

Haddaba, beryahan dambe wax magaalada ku soo badanaya dilal toogasho ah, tolaw ma qorigii ayaa dib la inoo ku soo celiyey. Waxa aan xusuustaa anaga oo ergo ah markii sannadkii 1993 aan tegnay magaaladii Ceerigaabo oo Beelihii Hartigu ka maqan yihiin, ayaanu aragnay raggii oo budh wada sita. Markii aan weydiinay qoladii Muusa Ismaaciil (Habar/Yoonis) sababta ku kaliftay qaadashada waxan oo budh ah oo weliba ay jiraan dukaamo lagu iibiyo budhaadhku .Waxay noogu jawaabeen; “Markii aanu ku kelyaaysanay magaaladii qorigii waxa uu nagu noqday dhibaato. Labadii isqabtaaba kaw, xabad ayaa la isku dhiftay. Dilkii ayaa batay, waxa aan doorbidnay in la is-budheeyo oo an la istoogaan oo qorigii ayaan iska fogeynay. Sidaas ayaa budhadhku u bateen oo hadda waa is-budhaynaa!!” Arrin macquul ah ayey u ekaatay oo Cilmiga Psychology-ga la socota..

Haddii aan ku soo noqono fadhigii Marxuun Cigaal iyo Odayaashi Warsangeli. Waxa dhacday in Oday ka mid ahaa Odayaashu uu Madaxweyne Cigaal u sheegay inuu Hargeysa ku lahaa Warshad Saabuuunta samaysa. “Warshaddii burburkii ayey raacday oo waa la fadhataystay. Gidaaradii ayuunbaa ka hadhay, haseyeeshee meeshii cidbaa haysataa. Maxkamadihii oo dhammi aniga ayey ii xukumeen oo waraaqihii haysta,” ayuu yidhi Odaygii Cigaal. Isla markaas ayuu fayl Marxuun Cigaal u dhiibay. Cigaal faylkii ayuu aad u akhriyey, dabadeed waxa uu yidhi; “Dee arrintani waa dhan tahay ee maxaa jir?”

Odaygii waxa uu yidhi; “Waa dhan tahay, waxa dhiman fulintii, markii aan u tegay Taliyihii Qaybta Booliska ee lahaa inuu fuliyo go’anka Maxkamada, waxa uu igu yidhi nin reer Sheekh Isaxaaq ciidan ku saarimaayo.”

Cigaal intuu cadhooday ayuu ku dhawaaqay “Aabbahaa iyo reer Sheekh Isaxaaq wa…. waar ma ku caddaynaysaa?” Odaygii waa iska aamusay sarkaalkaas oo xidid ila ahaa darteed. Madaxweyne Cigaal talefoon ayuu qabsaday oo amar bixiyey odhanaya afar iyo labaatan saacadood gudahood waa in la fuliyaa go’anka Maxkamadda, saacad saacadna ha la iila socodsiiyo halka xaal marayo. Aroortii markii meeshii ciidan xoogan oo cagafcagfyo wata la geeyey, qoladii haysatay ergo soo dirtay oo tidhi si nabadgelyo ah ayaan ugu guuraynaa. Sidaas ayaa Odaygii dhulkii ku helay oo mar dambe lacag badan kaga iibiyey Dahabbshiil. Arrimahaas iyo qaar kale oo la mid ah ayaa keenay kalsoonida ay Somaliland ku hanaqaaday.

Fiiro gaar ah: qeybo ka mid ah warbaahintu waxay dorraad daabaceen qoraal la ii nisbaynayo oo aanan anigu qorin, balse la iga been-abuuray inaan ka hadlay Shirka Sacad Muuse ee Agabar, waxaan leeyahay shaqo kuma lehi, Xaafadi waxay xaafad ugu wareegtaa waa xasarad.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories