Home“Aniga, Kijaandhe Iyo M.Biixi waxa aannu ka midaysanahay in Kulmiye dhexdiisa ay...

“Aniga, Kijaandhe Iyo M.Biixi waxa aannu ka midaysanahay in Kulmiye dhexdiisa ay ka dhacdo dimoqraadiyad dhab ahi” Samaale

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Murashax Cabdicasiis Samaale ayaa beeniyay war uu qoray wargeyska Somalilandtoday cadadkiisii 668 ee shalay, kaasoo ku saabsanaa sababtii uu Samaale uga qayb qaadan waayay soo dhawayntii Maxamed Biixi oo hore laysugu tirinayay, isla markaana wuxuu Samaale u sheegay wargeyska Ogaal oo wax ka waydiiyay arrintaa, in aanuu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeyay Isaga iyo Maxamed Biixi.

Samaale oo ka jawaabayay su,aasha arrintaa laga waydiiyayna wuxuu yidhi; “ Waxba kama jiraan warkaa Somalilandtoday qortay, waana been. Aniga iyo Maxamed Biixi waxaanu nahay laba nin oo walaalo ah, saaxiib ah, murashixiin ah isku aragti ka ah in Kulmiye dhexdiisa ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. taasaanu ka midaysanahay Aniga, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe, oo aanu Muuse Biixi kaga duwanahay. Anigu murashax baan ahay, Maxamed Biixi waa murashax, Kijaandhe waa murashax, Muuse Biixi waa murashax, laakiin Muuse mooyee sadexyadda kale waxa noo dheer oo aanu isku mid ka nahay oo aanu u soo halganay in aan cid loo xidhin ee lagu tartamo xisbiga dhexdiisa, taana waa ku guulaysanay. Codka lagu kala baxayaana beelaha uma yaalo oo dadku ma codaynayaan ee cidda na kala saaraysaa waa xubnaha golaha dhexe.

Wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Tan soo dhawayntii Maxamed Biixina taageerayaashaydii tegay waxay ku tageen talo, waanu ka shiray tallo ayay ku tageen, magac dawladeedna waa lagu soo dhawaynayay, aniguna dawladda kama mid ihi, hawlna waan ku mashquulsanaa haddana kamaan maqnayn oo taageerayaashaydaa ka qayb galay oo aanu talo ugu diray. Intii uu hadda joogayna walaalkay Maxamed Biixi laba jeer baanu is aragnay, khilaaf dhexdayada yaallaana ma jiro.”

Mar aanu wax ka sii waydiinay in sadexdooda laysku xanto oo la leeyahay way isku shubanayaan aakhirka wuxuu ku jawaabay;  “Walaal,  Aniguna murashax baan ahay, Maxamedna waa murashax, Kijaandhena waa murashax, tan isu tanaasulkana Aniga, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe midkaayana mid kale kalama hadlin, ee mid kastaaba hawlihiisuu wataa, laakiin waxaanu isku aragti ka nahay, in Kulmiye dhexdiisa ay ka dhacdo dimoqraadiyad dhab ahi, doorasho xor ah oo xalaal ahi.”

 

Somalilandpost.net, Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories