Home"Aniga Iyo Muuse Biixi Kursigaanu Isku Haysanaa, Waana Ka Dhacsan Doonaa, Haddii...

“Aniga Iyo Muuse Biixi Kursigaanu Isku Haysanaa, Waana Ka Dhacsan Doonaa, Haddii Aan Markii Hore Ka Dhacsan Kari Waayey…” Guddoomiye Cirro

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan haddii siyaasiyiinta waaweyn ee Kulmiye ee ka biyo diiday Shirweynaha Xisbigoodu ay ku biiraan Waddani.

blankGuddoomiye Cirro oo u warramayey Bulsho Tv, isaga oo jooga Sweden, waxa uu xusay in xisbiyada dhexdooda inta badan ay ka jiraan kala fikir duwanaan keenta khilaaf, waxaanu u rajeeyey kulmiye in Shirweynahoodu si wanaagsan ugu dhammaado, waxaanu yidhi “Muran waa qayb nolosha ka mid ah oo uu jira amma Xisbi ha noqoto amma xukuumadda, asxaabtana waxa loo samaystay in la kala fikir duwanaado, oo kuma odhan karo dadka ku jira Xisbiga Waddani oo dhan waa isku wada fikir, waxbaa laga hadlayaa waa lagu kala duwanaanayaa, damac ayaa jira waa lagu kala duwanaanayaa, markaa in muran jiro iyo in fikir kala duwanansho jiro waxaan u arkaa arrin dabiici ah, asxaabtana hore uga dhacay.”

Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey in kala qaybsanaanta Kulmiye uu Xisbigiisa Waddani ka faa’idaysanayo, waxa uu ku jawaabay “Horta aanu aragno, waanay dhacdaysaa oo annaguba markii aanu shirka qabanay, qaar baa innaga tegay siyaasiyiin waaweyn ah oo imika Xukuumadda Kulmiye ka mid ah oo qaar badan Wasiirro yihiin, qofku inuu Xisbiga ku jirana Jeel maaha oo wuu ka bixi karaa, markaa haddii ay run noqoto oo ay siyaasiyiintaas waaweyn soo baxaan Xisbiga Waddani waxa uu ka mid yahay meelaha soo dhaweynaya, annaguna waxaanu u rajaynaynaa in shirkooduna guul ugu dhamaado, wax faro gelin ah oo aanu dabada ka riixaynaana ma jirto.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ka hadlayey xafladda Jaaliyadda Somaliland ee Sweden u qabatay, waxa uu kula dardaarmay Jaaliyadda Somaliland ee qurbaha jooga in ay ilaaliyaan midnimadooda, isaga oo xusay in asxaabta sababaha loo samaystay ay tahay in lagu tartamo, waxanu yidhi “Dagaal kale ma jiro, laakiin hoggaaminta iyo awoodda dalka lagu tartamayaa, Muuse kursiga uu ku fadhiyo ayeynu isku haysanaa, aniga iyo Muuse kursiga ayaanu isku haysanaa, markii hore haddii aan ka dhacsan kari waayey, imika waxaan doonayaa in aan ka dhacsado. Qoryo ma qaadanayno, laakiin hannaan dimuqraadi ah ayeynu qaadanay.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories