Home“Aniga ciilka iyo cadhada aan u qabo Axmed Silanyo u gudbin maayo...

“Aniga ciilka iyo cadhada aan u qabo Axmed Silanyo u gudbin maayo ubadkiisa, waayo waxaan ogahay oon qirayaa in Illaahay ubad wanaagsan odayga siiyay “

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ay muddo badan soo wada-shaqeeyeen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa soo bandhigay gol-daloolooyin ku lammaan hibada hoggaamineed ee Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), waxa uu hadal sarbeeb ah ku iftiimiyey in madaxweyne Siilaanyo yahay Shakhsi hoggaaminta iyo xilka uu umadda u hayo ku lammaaneeya qoyskiisa si la mid ah hab-dhaqankii uu lahaa Maxamed Siyaad Barre iyo carruurtiisu ku ahaayeen xukunnka, balse waxa uu sheegay in Eebbe Ubad wanaagsan siiyey madaxweyne Siilaanyo, taasina ka baajisay inuu ku sifoobo ama uu ka muuqdo hab-dhaqankaasi.

cali-guraySidoo kale waxa uu arritan ku iftiimiyey in madaxweyne Siilaayo uu dhalay isla markaana leeyahay Ubad wanaagsan, isaga oo taas tusaale u soo qaatay Munaasibadda Meherka gabadha uu madaxweyne Siilaanyo dhalay ee Habeen hore Xafladda Meherkeeda lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada.

Cali Guray waxa uu Qoraal kooban oo lagu baahiyey boggiisa Facebook kaga hadlay sida Magaca Kulmiye loogu bixiyey Xisbiga talada haya wakhtigii la aasaasayey sannadkii 2002-dii iyo Xafladda Meherka ee Habeen hore ka dhacay Madaxtooyada, ku baahiyey boggiisa Facebook-ga, waxa uu u duceeyey qoyska Cusub eek u soo kordhay Qoyska Madaxweynaha.

Mujaahid Cali Guray Qoraalka uu ku baahiyey Bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:-

“Waryaadha u kaadiya! Aniga ciilka iyo cadhada aan u qabo Axmed Silanyo u gudbin maayo ubadkiisa, waayo waxaan ogahay oon qirayaa in Illaahay ubad wanaagsan odayga siiyay. Ha iga eegina in aan kala maqaam dhigo Maslax, iyo Cali Shigshigow, iyo Xasan Rubeeti oo ku hoos noola aabahood.

Habeenkii uu Axmed Silanyo gurigayga iigu yimi aan la saxeexay warqaddii xeer ilaalinta ee aanu KULMIYE ku diiwaan-gelinay maan waydiin magaca ururka, laakiin markii aan subaxnimadii soo kacay ayaan …ku arkay in la yidhaa KULMIYE anigoo makhaayad bun ka cabayana waxa dhegta igaga soo duushay waxa la yidhi” INANKIISA AYUU UGU MAGAC DARAR”, markaasaan xusuustay in inamadiisa mid Kulmiye magaciisu ahaa oo berigii Qaaxo ayay mucaaridkiisu ku xaman jireen wuxu ugu magac daray Xuseen Kulmiye Afrax AHN eh. Kolkaan bunkii dhamaystay ayaan guriga ugu tegay abaaro 9:00 subaxnimo. Toos ayaan ugu idhi waxa la leeyahay ururka magaca inankiisa ayuu u bixiyaye bal ka waran. Intuu qoslay ayuu yidhi ‘Caliyow cidda magaca bixisay in inankayga Kulmiye la yidhaaba may aqoon’.

Axmed beenta ma aqoon anna sidii baan ka rumaystay. Kulmiye bal maanta eega oo miyaan Maslax odhan karaa sow ilaahay I qabsan maayo. Saw noqon maayo qof cadhadu indho tirtay wax aan jirin loo sawiray.

Qoyska cusubi aniga waxa aan hambalyo iyo Duco ahayn igama mudna. Waxaan leeyahay Illaahay ha idinka dhigo kuwii isku raaga ee isku reeya ubad khayr qabana ilaahay ha idin kala siiyo.” Sidaas ayuu qoraalkisii ku soo gebegabeeyay Mujaahid Cali Guray.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories