Home“Anagu haddii aanu nahay Umada Somaliland Marnaba Dagaal horseed ka noqon mayno...

“Anagu haddii aanu nahay Umada Somaliland Marnaba Dagaal horseed ka noqon mayno balse Waa Waajib Qaran in…” Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Gen. Jidhif oo farriin u diray Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jidhif taliyihii hore ee Ciidanka QarankaHargeysa (SLpost)- Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Somaliland Gen-Maxamed Xassan C/laahi “Jidhif” Ayaa Munaasibada Ciidal Adxada Awgeed Dhamaan Umada Muslimka Ah gaar Ahaan Shacabka iyo Ciidamada Qaranka Somaliland Hanbayo u Diray Waxaanu Ilahay Uga Baryey inuu Bishan Bisheeda Sanadkan Sanadkiisa Ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo Caafimaad qab iyo Cimri Dherer.

Dhanka Kale General Maxamed Xassan C/laahi Jidhif Oo Fariin kulul u Diray maamulka Somalia gaar ahaan maleeshiyadka puthland ee Daandaansiga Qaawan Ka Wadda Deeganada Tukaraq oo ay Ku Noolyihiin Shacabkii reer Somaliland Difaac adagna ay kagaga Jiraan Ciidamada Qaranka Somaliland Ayaa Sheegay In Dawlada Somaliland aaney Marnaba Diyaar u Ahayn Dagaal uu ku Daato Dhiig iyo Dhibaato loo gaysto Shacabka Ku Nool Deegaankaasi. Waxaanu Jananka oo Arrintaasi ka hadlayaa Yidhi Sidan:-“Guud Ahaan Waxaan Hanbalyo Balaadhan u Dirayaa Munaasibada Ciida Dhammaanba Shacabka Muslimka ah gaar ahaan Shacabka reer Somaliland iyo ciidmadiisa qaranka meelkasta oo ay ku sugan yihiin.

Waxaan halkan Fariin kooban uga dirayaa Maamulka Somalia iyo maleeshiyaadka kasoo Hanjabaya garoowe Waxan Leehay walaalayaal dagaal Wiilbaa Ku dhintee Wiil kuma Dhasho, Anagu haddii aanu nahay Umada Somaliland Marnaba Dagaal horseed ka noqon mayno balse Waa Waajib Qaran in Ciidamada Qaranku Dalkooda Difaacaan iskana Celiyaan Cadowga kusoo Duula ee doonaya inuu Dalka iyo Shacabkiisa Dhibaato Gaadhsiiyo, marwalba Dawlada Somaliland Sidii uu madaxweynaha Qaranku hore u Sheegay Muuse biixi Cabdi Waxaa Somaliland Ka Go’an Wadahadal kasta oo ay Ka dhalan karto nabad iyo Wada noolaansho Xasiloon oo aan cidna lagu faro galin Danaheeda gaarka balse haddii la dacal maro dariswanaag Ku Qotoma Wada Noolaanshaha Waxan leeyahay “It Depends Which Door You Open” Waxay Ku Xidhan Tahay Hadba Albaabka Aad Furtaan Haddii Albaabka Nabada aad Furtaana Diyaarbaanu u nahay, haddiise Dagaalka Aad Ku baaqaysaan uu noqdo mid Aad Furtaana Diyaar ayaanu u nahay.

Waxaa layaab leh oo Aan Loo Dul Qaadan Karin in Niman Masuuliyiin Sheeganayaa Maalinwalba Ku goodiyaan Inay Soo qaadayaan Dagaal, Shacabka maatida ahna ay horseed ugu noqdaan dhiirigalinta dhibaato iyaga soo gaadha halkii ay ahayd inay ka fikiraan sidii loo horumarin lahaa bulshadan dhibaatooyinka badani Dariska la yihiin.

Waxan Kusoo koobayaa hadalkayga ama fariintantaydan, Tuduc Kamida Alle Ha u naxariistee Gabaygii Maandeeq ee Abwaan C.laahi suldaan Timacade.

“Garaad Midan Lahaynbay La Tahay Waad Ka Gaagixine”

“Annagoon Gantaalaha Dhiciyo Haysan Qori Gaaban”

“Hashaan Gaadaweynow Libaax uga gayoon Waayey”

“Inaan Gorayocawl uga Tagaa Waa hal Soo Gudhaye”

Shacabka Somaliland u Dul Qaadan Maayaan Daandaasiga Iyo Hadalada Deel-Qaafka Ah.

Maxamed Xassan C/laahi Jidhif Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Somalilland Ayaa Fariintiisan oo isugu jirtay Hanbalyo iyo Dardaaran Ku Qotoma Dhinaca Nabada iyo Wada noolaanshaha Kusoo Kooban Intaasi.

 

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories