HomeAmnesty International Oo Xukuumada Kenya Uga Digtay Celinta Qaxoontiga Dhadhaab

Amnesty International Oo Xukuumada Kenya Uga Digtay Celinta Qaxoontiga Dhadhaab

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Amensty International LogoNairobi. (SLP)- Hay’adda Amnesty International ayaa go’aankii ay Kenya ku dhawaaqday ee ahaa in 350,000 oo qaxoonti Soomaaliyeed ah dib loogu celiyo gudaha Soomaaliya ay tahay mid xad-gudub ku ah sharciyadda caalamiga ah ee qaxoontiga.

Xeryaha Dhadhaab ayaa ah xeryaha qaxoontiga kuwa ugu weyn caalamka, iyagoo ku yaalla gobolka Waqooyi-bari ee Kenya qiyaastiina u jirta 100-km magaalada Gaarisa oo dhawaan uu ka dhacay weerar lagu dilay 148-qof, kaasoo mas’uuliyaddiisa Al-shabaab sheegatay.

“Weerarka Gaarisa ka dib dawladda Kenya xaq ayay u leedahay inay go’aansato in amniga shacabkeeda ay ilaaliso, laakiinse taasi maaha in qaxoontigii ammaanka u soo raadsaday dalkooda ay khatartii ay kasoo carareen ku celiyaan,” sidaas waxaa yidhi wakiilka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika iyo Harooyinka waa-weyn, Muthoni Wanyeki.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa 11-kii bishan April sheegay inay ku wargeliyeen hay’adda qanxootiga adduunka ee UNHCR inay dib ugu celiso qaxoontiga ku jira xeryaha Dhadhaab gudaha Soomaaliya, haddii kale ay iyagu u rarayaan.

Dawladda Soomaaliya ayaan ka talin deegaanno badan oo koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya ku yaalla, goobahaasoo ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan ee dhibaatadu ay kasoo gaadho dadka shacabka ah. Waana mid sharciyada Caalamka u yaalla ee ilaalinta qaxoontiga ku noqonaysa xadgudub, haddii qaxoontiga Dhadhaab ku nool dib loogu celiyo deegaannada aan xasilloonayn oo ay ka dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah aadamaha.

“Sida ku cad shuruucda caalamiga ah, dalalka dunida waxaa ka mamnuuc ah inay si qasab ah qaxoontiga ugu celiyaan deegaanno halisi ay ka jirto oo ay ka dhacaan xad-gudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha. Kenya waxay ka mid tahay waddamadii saxeexay heshiiska caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda Aadamaha; waxaana looga baahan yahay inay ilaaliso heshiisyada ay wax ka saxeexday,” ayuu mar kale yidhi Muthoni Wanyeki.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Kenya go’aansatay in qaxoontiga Dhadhaab ku jira ay dib ugu celiso Soomaaliya. Bishii November 2013 ayay dawladdaha Soomaaliya, Kenya iyo UNCHR waxay kala saxeexdeen heshiis dhigayay in qaxoontiga Dhadhaab ciddii ogol inay dalkooda ku laabato la caawiyo, balse aan la qasbin.

“Amnesty International waxay heshay xogo ku saabsan in qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab loo gaysto dhibaatooyin kala duwan, iyadoo lagu eedeynayo inay ka yihiin mas’uul amni-darrada ka jirta Kenya. Waxaanu xukuumadda Nairobi ugu baaqaynaa inay qaadato go’aan ka duwan in qaxoontiga si qasab ah waddankooda loogu celiyo, waayo tallaabada ah in qasab lagu celiyo mid wanaagsan maaha,”  ayuu Wanyeki ku sheegaay qoraalka ay hay’addu soo saartay.

Ugu dambeyn, hay’adda Amnesty International waxay dawladda Kenya ku boorrisay inay dhawrto dhamaan sharciyadda caalamiga ah ee lagu ilaalinayo qaxoontiga. Isla markaana ay difaacdo qaxoontiga Soomaaliyeed oo qaarkood ay sannado badan ku noolaayeen Dhadhaab iyo dadka kale ee magan-galyo doonka oo dalkooda imanaya.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories