HomeAmmaanka Muqdisho oo la xoojiyey iyo Jidadka oo gebi ahaanba laga mamnuucay...

Ammaanka Muqdisho oo la xoojiyey iyo Jidadka oo gebi ahaanba laga mamnuucay Gaadiidka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

MuqdiMuqdisho (SLpost)- Ciidamada Soomaaliya ayaa la sheegay inay xidheen gebi ahaanba wadooyinkii caasimada Muqdisho shalay ka hor kulanka maanta markii koowaad la filayo inay ku yeeshaan wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD dalkan dagaaladu ragaadiyeen labadii qarni e eu dambeeyey.

“Amaanka aad ayaa loo adkeeyey, sababo la xidhiidha wufuuda shirka IGAD,” ayuu sheegay Daud Aweys, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, maadama imaatinkii wufuudu bilaabmay.

Wasiirada arrimaha Dibedda wadamada Djibouti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda oo ciidamo gaadhaya 22,000 ka joogaan Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan kulanka manta, sidoo kale wadamada Sudan iyo Koonfurta Sudan ayaa la filayaa inay wefdiyo u soo dirtaan shirka.

“Qododbada shirka IGAD ee maanta ayey ka mid noqon doonaan arrimaha amaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qodobo kale,” ayuu Aweys raaciyey.

Tobonaan gawaadhida gaashaaman ee ciidamada iyo booliis ayaa gaafwareegaya wadooyin maleeshiyaadka Shabaab si joogto ah weeraro uga geystaan.

“Dhamaan wadooyinkii waa la xidhay, isla markaana dhaqdhaqaaq kama jiro Muqdisho,” ayuu yidhi Cali Macow, oo dukaan ku haysta badhtamaha magaalada.

“Ciidamada amaanku waxay xidheen dhamaan wadooyinkii, ma garanayno inta ay xidhnaan doonaan, ma jiro gaadhi shicib leeyahay oo wadooyinka maraya,” ayey tidhi Istaahil Muxiyadiin, shacabka magaalada ka mid ah.

Kulanka IGAD ayaa ku soo beegmaya ka dib markii bishii hore baarlamaanka Soomaaliya u codeeyey raysal-wasaare cusub oo dalkaasi yeesho Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dib markii khilaaf xoogan oo dhexmaray Madaxweyne Xasan uu xilkiisii ku waayey raysal-wasaarahii hore.

Qaramada midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub oo taageera xukuumada taagta-daran ee Soomaaliya ayaa dhamaantood ka digeen in khilaaf awoodeed halis gelin karo dalkan taagta daran.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories