HomeAmmaanka gobolka Sool iyo Muranka Dhulka oo lagaga dooday Shirka Golaha Wasiirrada...

Ammaanka gobolka Sool iyo Muranka Dhulka oo lagaga dooday Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Fadhigii 80aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo maanta ku qabsoomay habka Maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Covid-19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Ugu horrayn, waxa uu Goluhu war-bixin ka dhagaystay Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Covid-19 oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixiyey xaalada Covid-19, isagoo xusay in saddexdii bilood ee u dembeeyey ay sii kordhayaan dhimashada dadka xanuunku ku dhacayo, iyada lixdii cisho ee u dembeeyey ay u geeriyoodeen 28 qof. Waxa kale oo uu sheegay in ay Guddidu go’aamo ka soo saari doonaan ka hortagga iyo la-dagaalanka Covid-19.

Goluhu waxa uu dood dheer ka yeeshay dhibaatada iyo muranka ka jira dhulka miyi iyo magaalaba, waxaana ka mid aha qodobbadii laga xusay:

1. Dhul daaqsimeedkii oo la boobayo, lana oodanayo ama la deegaamayno oo khilaaf iyo shaqaaqooyin ka abuurmaan.

2. Xoolihii dhaqaalaha laf-dhabarta u ahaa oo yaraanaya markii daaqii laga xidhay.

3. Muwaadiniinta oo aan dhulkii u sinnayn oo qaar dhul badan xidheen, qaarna ka faro-madhan yihiin.

Waxa kale oo goluhu ku dheeraaday inuu Dastuurku qeexayo Khayraadka dhulka, Dhulka Buuraha ah iyo badda inay masuul ka tahay Dawladdu, hase yeeshee shacabka qaarkood aanay akhriyin dastuurka, waxaana lagama-maarmaan ah in dhammaan muwaadiniintu fahmaan muhiimada uu qaranka u leeyahay in shuruucda dhulka la dhawro.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib, waxa Guddi loo saaray in ay uruuriso mushkiladaha ka jira dhulka, isla markaana talo ka soo jeediso sidii loo fulin lahaa Sharciga Dhulka.

Ugu danbayn, waxa uu Goluhu war-bixin ka dhagaystay Weftigii Wasiirrada ahaa ee hawl-galka nabadgelyada la xidhiidha u joogay Gobolka Sool, waxaanay sharaxaad ka bixiyeen xubnaha golaha wasiiradu hawlaha u qabsoomay illaa hadda, hawlgalkii nabadgelyaduna si fiican ugu socdo, inta u hadhayna ay dhammaystiri doonaan, Goluhuna waxa uu ku boggaadiyey hawlaha xoojinta amniga Gobolka Sool ee ay fuliyeen xubnahaasi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories