HomeAmiirka dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga oo Maraykanka ku geeriyooday iyo Doorkiisii awoodda Boqortooyada

Amiirka dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga oo Maraykanka ku geeriyooday iyo Doorkiisii awoodda Boqortooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Riyadh, (SLpost)- Ninkii isla lahaa dhaxalka boqortooyada Sucuudiga, Amiir Suldaan bin Cabdicasiis ayaa maanta ku geeriooday dalka Maraykanka oo xannuun lagaga dawaynayey.

Geerida Amiir Suldaan, oo da’diisu ahayd 85 sanno isla markaana ay dhanka aabo ka walaalo yihiin boqorka Sucuudiga Cabdalla, ayaa dhalisay in su’aalo la iska weydiiyey cidda dhaxaltooyada yeelanaysa.

Waxa la sheegayaa inuu Amiirku ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada New York, isla markaana lagu wado in maalinta Salaasada lagu aaso magaalada Riyadh.

Kaalintiisi Hoggaanka Boqortooyada

blank
Marxuum Suldaan Cabdicasiis

Amiir Suldaan oo soo qabtay xilka ku-xigeenka Raysalwasaaraha boqortooyada Sucuudiga, ayaa sidoo kale soo qabtay xilka wasiirka gaashaan-dhigga iyo wasiirka gaadiidka cirka muddo afartameeyo sanno ah.

Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa Marxuumka ku tilmaantay shakhsi hoggaamintiisu wanaagsanayd oo Maraykankana saaxiib la ahaa.

Amiir Suldaan oo muddoba dibadda ku maqnaa, waxa uu sannadkii 2009 qalliin ku galay cusbitaal ku yaala magaalada New York halkaas uu muddo sannad ah ugu maqnaa Maraykanka iyo goob nasasho oo ku taala dalka Moroco.

Waxa la sheegaa in Suldaankani intii uu ahaa wasiirka gaashaan-dhigga uu kharash aad u badan ku bixiyey qalabka Milatariga taasina waxa ay ka dhigtay Sucuudiga mid ka mid ah dalalka ugu iibsiga badan saanadda milatari.

In kasta oo maamulka Sucuudigu ku adkaysanayey in laga daweeyey xannuunkii hayay, hana dibloomasiyiinta joogta Riyadh waxa ay sheegeen in awooddiisii maamul la dhimay, hawshii shaqo ee uu hayayna ku soo koobay laba saacadood maalintii.

In badan oo ka mid ah hawshiisa shaqo ayaa si caadi ah loogu wareejiyey Amiirrada kale ee boqortooyada, gaar ahaan inta la ogyahay wiilka uu dhalay ee Khaled oo hoggaaminayey ciidamadii Sucuudiga iyo kuwii kale ee Carbeed ee sannadkii 1991 dagaalka la galay ciidamadii Iraq ee qabsaday dalka Kuweyt. Amiir Khaled,  oo ah gacan-yarada wasiirka Gaashaan-dhigga, waxa uu sidoo kale iska leeyahay jariiradda dalalka Carabta laga wada yaqaano ee Al-Hayaat.

Marxuum Amiir Suldaan wakhtigii uu hayay xilka wasiirka Gaashaan-dhigga, waxa uu balaayiin Dollar ku bixiyey casriyeyna Milatariga dalkan oo diinta Islaamku ka bilaabantay 1400 sanno horteed, isaga oo waliba ciidamada qalabka sida ee dalkaas ka dhigay wax ka badan 100,000 oo nin, hubka casriga ah ee caalamka laga istcmaalana soo iibsaday.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories