HomeAma Arin-keen Ama Aqbal-keen – W/Q: Cabdirisaaq Askar

Ama Arin-keen Ama Aqbal-keen – W/Q: Cabdirisaaq Askar

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Marka laga yimaad dhacdooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Taliskii Siyaad Bare ee ay kamid ka ahaayeen  MORGAN IYO GAANI  dhaxalsiiyeen Shacabka Somaliland, waxa u sii dheeraa qorshooyin kale oo dhanic socday xasuuqa shacabka oo  ahaa sidii ay u kala fogayn lahaayeen oo ay colaad uga dhex abuuri lahaayeen Bulshada kuwada nool Boqcadan  Alle kuwada uumay ee  Jamhuuriyada Somaliland,  iyadda oo uu Taliskaasi kalahaa ujoodooyinka qarsoon, balse  Alle mahadii Qorshayaashaasi masii tamarin oo waxay xidhantay 1991, wakhigaas oo uu soo af-jarmay Halgan dhiig badani ku daatay oo lagaga xoreeyey dhulka Somaliland Xukun kii Afweyne. Halgan kaasi run ahaantii waxa uu ahaa mid Shacab oo laga wada qayb-qaatay oo aanay cid kali ah ku suntanayn sida raga qaarkood ku naaloodaan. guushaa kadib, waxay  Shicibka Somaliland  si buuxda oo dhamaystiran  u wada go’aaansadeen gacmo isqabsi , iskaashi, nabad kuwada noolaanshiyo iyo inay Qaran ay wada leeyihiin binaystaan.

Ujeedadii Halganka iyo wada-tashigii Bulshada walaalaha ah ee Somaliland  waxay ahayd inaynu suulino(tir-tirno) ujoodooyinkii shisheeye iyo amar-ku-taaglayntii 21 sanno, waliba ay  inoo sii dheerayd  “Qaybi oo Xukun” iyo  waliba sidaa si lamid ah,  inaynu inagu ismaamulno oo masiirka dalkeena ka talino. Taas Alle Mahadii waynu ku guulaysanay oo kadib waxaynu dhaqan  galinay  dariiqii  qof kasta oo muwaadin ahiba uu xaqiisa ku heli lahaa haddii uu hamigiisu yahay inuu  ku fadhiisto kursiga ugu sareeya hogaaminta dalka iyada oo ay u fududaynayso  nidaamkan dimoqoraadiyadda Axsaab tiro badan ku dhisan ee aynu qaadanay.

Ubucda: Haddaba, Horumarka Dalkani waxa uu ku iman karaa ,  in kolba cida aynu Xilka Qaranka u dhiibano in haddii ay ku dhacaan ama ay ka baydhaan jid ka weecsan kii aynu u dooranay in arin loola yimaad oo lasaxo iyada oo la eegayo danta Qaranka iyo Shicibka. Balse , haddii aanad hayn macluumaad ku aadan inay cagta saareen jid qaloocan , waxaa muddan inaad afkaaga xidhato ,halka aad ku dhaleecayn lahayd waxaan jirin iyo inaad BAR-BAR dhigto DHIIGYO CABKII UMMADDA XASUUQAY ee ay ugu horeeyeen MORGAN IYO GAANI.  Magacyadaa marka ay dhagaha  shicibka kusoo dhacaan waa xasuus iyo maalmo MADOW.  Waxaana wax laga xishoodo ah inaad garab dhigto kuwaa oo aad ku mataasho Masuuliyiinta da’da yar ee habeen iyo maalinba heegan ka u ah inay dalkooda iyo dadkooda u adeegaan oo ay gaadhsiiyaan horumar.

 Gabogabadii :  “ Ama Arinkeen noqo ama Aqbal-keen”   tallo keen oo soo bandhig wixii qaldan ee ay ummadu kula arkayso oo u haddal si ( Objective) ah.  ama iska Aamus oo u hogaansan habsami u socodka hawlaha qaran. Mucaaridnimaduna waa wax sixid iyo dhisid (Constructive) ee ma aha wax dumin ( Destructive ) iyo inaad waxaan sal iyo raad toona lahayn aad ku shaabadayso Masuuliyiin Qaran.)

Talooyin: Madaxda qaranka waxaan kula talinayaa inayna hadalada Afmiishaarnimo ka mashquulin hawlaha qaran. Kuwa Ficiladaa ku mashquulsana waxaan kula talinayaa inay ka waantoobaan. Bulshadana waxaan ka codsanayaa inayna hadalada malo-awaalka ah dheg u dhigin. Saxaafaddana waxaan si nasteexa u waydiisanayaa inay ka taxadiraan soo bandhigida iyo Buun-buuninta wixii qarankeena waxyeelaaya, horumarka socda caqabadaynaaya, shicibka kala fogaynaaya , Cadawgeenana ka farxinaaya.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories