HomeAlle miyaanu mudneyn inaynu ka xishoono ?

Alle miyaanu mudneyn inaynu ka xishoono ?

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Xishoodku waa hab dhaqan qiimo badan, waa dabci Alle iyo Rasuulkiisuba jecel yihiin.

Waxa Nebiga ((SCW) ka sugnaatay inuu yidhi “Alle waa mid kariim ah oo xishood badan, wuxuu ka xishoodaa addoon gacmaha u hoorsaday inuu iyagoo madhnaan la noqdo !”

Asxaabtii Nebi Muxamed (SCW) markii la waydiiyey akhlaaqdii nebiga waxa ay yidhaahdeen: “Wuxuu ahaa mid ka xishood badan bikrad buulkeeda aan ka bixin”

Waxa kale oo Nebigu yidhi :”Qofna lama siinin khayr ka wanaagsan xishoodka”

Axaadiis tiro badan ayaa ku soo aroortay xishoodka iyo fadligiisa.
Xishoodku waa in qofku ka dhawrsado kana dheeraado dhaqan kasta oo xun, sidoo kalena u degdego dhaqan kasta oo wanaagsan.
Cid xumaan lagala xishoodo Alle ayaa ugu weyn, Nebi Muxamed (SCW) ayaa ku xiga, dadka dhaxalkii Nebiga xambaarsan (culimada) ayaa mudan in lagala xishoodo waxaan habooneyn, malaa’ikta camalkaaga qoreysa ayaa mudan inaad ka xishooto, waalidka iyo guud ahaan waayeelka ayaa iyana xishood inaga mudan.

Aayaddan:
(يَسْتَخْفُونَ مِنَ النَّاسِ وَلَا يَسْتَخْفُونَ مِنَ اللَّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ مَا لَا يَرْضَى مِنَ الْقَوْلِ وَكَانَ اللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطًا)
Alle – korreeye- waxa uu ku dhaleecaynayaa qolo xumaha kala xishoon weyday, halka ay baqe iyo xishood dartii dadka ka dhuumanayaan iyagoo hilmaansan inay mudneyd inay Alle -weyne-ka xishoodaan oo xumaha ka qarsadaan – Alle waxba lagama qarin karo-.

“Dadkay ka gabanayaan oo xumaha kala dhuumanayaa, Allena iskama qarinayaan, Alle waa arkayaa oo maqlayaa goorta ay ku saamaleylsan yihiin wax aan Alle raali gelinayn oo hadal ah, waxa ay falayaanna Alle waa mid koobay oo xog-ogaal u ah”

Alle haynaga dhigo kuwo wanaagga ku foogan oo xumaanta ka fog.

Allow xishood ku raali geliya noogu deeq- Aamiin.

Jumce wanaagsan dhammaantiin, Salluu Calaa Rasuuli Laah- SCW.

Qalinka Cabdiqani Beder

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories