HomeALLA MAGANE GOORMAY MADAX DHAQAMEEDKII SOMALILAND NOQDEEN GOLE LA DOORTAY?

ALLA MAGANE GOORMAY MADAX DHAQAMEEDKII SOMALILAND NOQDEEN GOLE LA DOORTAY?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Qarannimadda Somaliland waa lama taabtaan iyo dhito xafidan, oo Qaranka iyo madaxdisii hore tiiriyeen, isla markaasinna lagu ansaxiyey cod 97% ah. Qarannimadda Somaliland hadba waxaa ka hadli kara oo qudha Golayaasha la dooratay ee sadexdaa, kuwaasi oo xaq keligood u leh inay ummadda wakiil ugga noqdaan hawlahaasi Qaran iyo geedi-socodkoodda. Qaranka jamhuuriyadda Somaliland iyo hawlahiisa Siyaasiggaa meel uu Suldaan ku leeyahay ama uu ka soo gelayaa ma jirto, waxayna hawlahaasi noqon karaa in sharcigga si toosa loo baal maro, oo gacanta uu geliyo nin aan shaqo ku lahayni. Waxay inagu keeni kartaa dhaqan burbur weyn, oo keeni karta in Ummaddu wadda suldaan noqoto, isla markaasinna geedkii iyo garashaddii hufnayd u guurto Siyaasad, leef leef iyo waxaan macno weyn lahayn oo ummadda burburiya.

Suldaanku Siyaasad meel uu ku leeyahay iyo hawlaha xafiiska ma jirto, waanna ayaan daro inteedda leeg in Wasiirka Arimaha Dibadda uu dhinac gurto nin aan Siyaasad iyo xafiis waxba ka aqoon oo suldaan sheeganaaya, isla markaasinna hankiisa iyo koofiyadiisa yare ee aan jilibkiisu isku waafaqsanayn doorkeedda uu yiraa Hawlaha Turkigga iyo Yurub ayaan ka odayeyn. Waanna ayaandaro weyn in geedkii loo soo raro xafiisyadda dowladda, oo Suldaan aan Beeshiisa mooyaane cid kale metelini u xayto waxaanu shaqo ku lahayn iyo jiritaanka Somaliland,  oo shacabkani iyo Golayaashiisu ku go,aamiyeen cod aqlabiyadda, isla markaasinna codkii aqlabiyadda ahaa iyo dariiqii ay u mareen oo qudha wax lagagga bedeli karo, haddii loo baahdo ama laysku waafaqo.  Salaadiinta Somaliland waxaan leeyahay oo u soo jeedinayaa inay ku ekaadaan geedka iyo cidda ay wakiilka ka yahiin oo ah Neefka iyo qofka daba socodda. Salaadiintu ama kuwa Xukumadda xafiisyadeedda taagan ha noqdaan, ama kuwa Xukumadda ku xagaaya ee hadalkoodda dhaliisha iyo xumo ku dhoobka Xukumadda u maraaya ha noqdaanne, waxaan leeyahay hawlahani wax aad shaqo ku leedahiin ama meeli idiinka banaantahay maha,  ee dib ha loo fadhiisto.

Wadda hadaladda Somaliya iyo Somaliland waxaa ka hadli kara oo qudha qaybaha Bulshadda ee sharciggu xalaaleeyey, sidda Golaha hogaaminta ee madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Golaha Wasiiradda iyo Golaha sharaci dejinta. Hudheelle iyo dilaal suuqa joogga midna meel ugga furan iyo shaqo uu ku leeyahay ma jiro Qarannimadda Somaliland ka hadalkeedda iyo hawlaheedda Siyaasiggaa,  ee Ummaddu cidda ay u wakiilatay aynu wadda ognahay. Haddii sharciggu dadka hagi waayo, oo cid weliba waxii ay xaq u leedahay mari weydo, waxaynu geli doonnaa darjiidh weyn iyo burbur Siyaasiya iyo sharciggii oo lagu tunto. Shacabka reer Somaliland hawlahiisa Suldaan ma geli karo, oo suldaanka waa la yaqaannaa doorkiisa iyo dadkuu metelo, oo ah dadkiisa iyo deegaankiisa. Laakiin Suldaankii raganimo Alle u dhaliyey ee Ummadda is ogolaysiiyaa waa Suldaan cid weliba soo dhoweynayso, oo sharaf iyo karaamo Ummadda ku dhex leh. Waar nin walowba ummadda waxba uma tahid ee reerkaagga ayaad Suldaan u tahay ee ku ekoow.

Jiritaanka iyo madax-banaanidda Somaliland Suldaan kama hadli karo, kamanna odayeyn karo, waayo sharcigga iyo Dasuurka dalka ayaa jideeyey, oo Afti Qaran ayaa Go,aamisey, waxaanna wax ka bedeli kara oo qudha Afti Qaran oo kale. Haddii halkaa lagga waantoobi waayo, oo ragga jar iska xoorkaa,  ee meel walba gacanta geliyaa amuurahaa ka xishoon waayo, nin weliba reerkiisa ayuu Suldaan u yahay oo isku darajo aan waxba is dheerayn ayeynu noqon doonnaa. Suldaan iyo Boqorba reerkayga waa ka bannaan yahay, oo waxaan weliba aaminsanahay inaan qaar badan aan madax-dhaqameednimadda kagga fiicnaan doonno, oo qaabka ay u socdaan ee ku dhisan leef leefka, caayidda iyo ceebaynta aanan isir iyo hidde u lahaan doonnin anigga iyo khayrkay, oo maanta Ummadda ka midda. Waxaan leeyahay yaan lagu qabsan Golayaasha sharciggaa hawlahoodda, waxaan leeyahay yaan Qaranka lagu sii deyn, Hudheelayaal iyo dilaaliin aragtidooddu ayna dheerayn, oo aan garan Karin waxa beri iman doonna.

Waxaan leeyahay Wasiiradda inoogga Wakiiladdaa hawlaha Siyaasiggaa iyo diblamaasiyadda yaan lagga soo daba-rarin dharcas iyo raggii geedka hawshooddu ahayd, oo aad ugu milmay Xafiisayadda Dowladda ee had iyo jeer ay dhex joogaan. Salaadiinta laftoodda rag aan garasho badan lahayn ayaa biiyey oo baruura cunka ayey barteen, dee nin suldaan ahi waxba ma cuni jirin iyadoo ummaddii uu suldaanka u ahaa qatantahay, oo haraadantahay berggii hore, laakiin kuwani waa Suldaan Aakiro seben oo seeskii nolosha iyo dhaqanka udbahii soo goostay,  ee Alloow sahal abuuraha.  Xishood iyo xaq dhowr ayuu lahaan jirey Suldaan ee waa maxay kuwan qayladooddu baxaysaa, Suldaan sowkii Ummadda xalka u keeni jirey, waa maxay kuwan iyaggu qaska wadda. Sharci aynu ku guuro ayaan leeyahay Qaran ahaan, oo Gole aan sharci ahayn yaanu Ummadda Mustaqbalkeedda ku ciyaarin.

Ummadda Suldaanka hala nacsiiyo, oo aynu qorshe wadda suldaan dalka gelinno, nin iyo koofiyad iyo Go shaalla markaynu u qaadanno dee Suldaannimadda waa lagga yaaci doonnaa. Waayo qaabka ay wax u socdaan iyo qaynuunka lagu tumanayaa maha wax nidaamka iyo ilaalintiisa isku hayn kara runtii. Suldaanku Saligga uu ku fadhiyaa nadiif ayey ahaan jirtey, manta dufan iyo lafo ayaa dulsaaran, taasinna ceeb iyo caaddo xun ayey inaggu keentay.

Waxaa Sandaladdii siddaa u galay niman ku soo yaacay oo qoyskoodda haddii dib loo raaco dhaliilo iyo dhib lagu heli karo, ninkaasi oo aan suldaan ama nabad-doon aan noqon Karin. Bal Somaliland kuwa Boqoradda iyo Salaadiinta sheegta Siddaa u yara eegga oo car waa ninka aan qoslin.

 Qalinkii: Cabdillaahi Xasan (John)

 libaaxdabar@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories