HomeAlla Guuli Kuu Dhowaydee! – W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Alla Guuli Kuu Dhowaydee! – W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ibraahim_HawdMaamulka maanta Somaliland ka taliya ee Axmed-Siilaanyo madaxa ka yahay sidii la ogaa wax uu ku dhashay dirqi iyo si fool adag. Dadkii u ololaynayay iyo dadkii diiddanaa sida cirka iyo dhulka ayay u kala fogaayeen. Xummaddii iyo xamaasaddii jirtay dalkuba colaad sokeeye ayuu qarka isu taagay.

Ilaahay baa se ilaashaday oo waa laga soo gudbay; waxaa lagaga soo gudbay labadii dhinac kii ay xumadda xukunku ku sii kululayd in talada loo doortay. Dabadeed dad badan baa nefisay, dad kale oo badan se waxaa galay dareen ay ka qabaan Kulmiye sida uu wax yeeli doono.

Anigu wax aan ka mid ahaa dadkii isbeddelka aad u danaynayay. Khayr aan Udub ka waayay oo aan Kulmiye xisbi ahaan ku ogaa ma jirin, waayo mabda’ meesha ma jiro, waxaa se ii muuqday dhawr

arrimood oo aan isbeddelkaa u doonayay. Midi waa xukuumaddii Rayaale Kaahin oo maamulxumo, musuqmaasuq iyo kursi jeclaysi lagu ibtileeyay oo aan doonayay in la edbiyo. Ta kale waa geeddiga

dimuqraadiyadaynta dalka iyo dhaqangalkeeda oo loo baahnaa in uu socdo, bulshaduna caadaysato in ay wax doorato oo wax beddesho. Tu kale waa Axmed-Siilaanyo oo aan u arkayay in uu yahay

ruugcaddaa, dawladyaqaan iyo halgamaa madaxnimada dalka ku habboon, aniga oo ka naawilayay in uu isbeddel loo aayo ku samayn doono qaab-dhismeedka dawladda oo fawdo ahayd, iyo in uu hay’adaha qaranka ee isku wada raran hawlahooda kala basrin doono. Iyo ugu dambayn taageerayaasha kulmiye badankooda oo u ekaa haddii ay madaxnimada Siilaanyo la waayaan in cirku ku soo dumayo oo dunida la rogayo, sidaa darteed in la daweeyo loo baahnaa. Intaasiba waa ay mudnayd in la tixgeliyo.

Maalintii Axmed-Siilanyo la doortay Ilaahay wax uu igu ilhaamiyay in aan warqad talo ah warbaahinta ugu diro. Taladaa nuxurkeedu wax uu ahaa in uu umadda aabbe u wada noqdo, maamul dawladeed

hagaagsan oo lagu xusuustana qaabeeyo. Waayo runtii baahida ugu weyn ee jirtaa waa hagaajinta iyo cusboonaynta dawladnimadan loo hanka weyn yahay haddana wada daldaloosha ee foolxumada la la hoos tuban yahay. Guul taariiheed oo magaciisa lagu xusuusto ayay u noqon lahayd, umaddana guul nololeed bay u ahaan lahayd, wax ay se u eg tahay guul uu qaadan kari waayay oo ka baylahday.

Haddii uu taa mar hore ku dhaqaaqi lahaa, maanta dhiigga reer Burco u ma daateen askari la beddelay.

Maanta sannado ku filan ayuu Kulmiye talada hayaa. Horta waa Ilaahay mahaddii oo dalkii iyo dadkii waa ay bedqabaan marka laga reebo xagtimo wajiga ah. Waxaa se muuqata maamulkani in aanu haba yaraatee wax cusub umadda u soo kordhin. Haa, waddo heblaayo waa la hadalhayaa, dakhligii oo wax ku soo kordheenna la sheeg, laakiin waxaasi waa arrimo waqtiga la socda. Isaga hortiiba dakhligu sannad walba wuu kordhi jiray, waddo yarna waa la furi jiray. Wax la taaban karaa se ma muuqdaan. Hay’adihii qaranku sidii bay isugu raran yihiin oo aanay madax iyo mijo u ka la lahayn. Waa taa garsoorkii saqdhexe Madaxtooyada looga yeedhayo. Waa taa Golihii

Wakiillada xukuumaddu walaaqayso ee marba waraaq aan sharci ahayn lagu dul tuurayo. Waa taa qofkii la doono la iska xidhayo. Waa taa mucaaradnimada lagu sheegayo khaa’in waddan. Waa taa qabyaaladdii dawladda sida ugu xun uga dhex shaqaynaysa ee aan laga xishoonayn. Waa taa hantidii yarayd ee umadda aan cidiba iska xisaabinayn.

Dawladnimo wanaagsani kama horrayso musuqmaasuqa oo wax laga qabto iyo umadda oo talada dalkeedu dhex u ahaato. Run ahaantii rajo miskiinnimo ahayd baan ka qabay Axmed-Siilaanyo in uu taa garanayo iyo in uu wax ka qaban doono. Laakiin, bal Ilaahay amarkii, waaba labada ay tiisu u dhimatay. Musuqu waaba bartii ay maamul xumadiisu ka bilaabatay. Mar qudha ayaynnu ku hambaabberray wasiirkii ugu hufnaa oo xilkii laga tuuray, Maxamed Xaashi Cilmi. Sababtuna in ay qarsoonaato iska daaye xitaa waa la qirtay. Waa nin aan musuqmaasuqa oggalayn oo wax laga cuni karin, baa ceeb looga dhigay. Dabadeedna, xafiis waliba waa dukaan nin leeyahay. Musuqmaasuq la joojiyo iska daaye cidiba in uu xun yahay ma soo hadalqaato.

Maamulka Kulmiye dhaliishiisa ugu darani waa ta la wada og yahay ee ah madaxweynihii la doortay oo kursigii hawlgabnimo ku jooga. Laba isku ma diiddana madaxweynuhu in aanu dalka dhab uga talin ee ay niman kale meelahaa digif digif leeyihiin. Taas baa u sabab ah muranka iyo qalalaasaha dalku ku siqayo. Waxgarad badan oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan baa sidaa wax u arka. Waa arrin xal u baahan, waa se xal ugu horrayn Kulmiye u yaalla, waa haddii ay xisbigooda la doonayaan mustaqbal wanaagsan iyo kalsoonida fog ee bulshada.

Waajib weyn baa se reer somaliland oo dhan saaran, yar iyo weyn, mucaarad iyo muxaafid, waajibkaas oo ah in la ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda, aadna looga fogaado hadallada iyo falalka xumaanta abuuraya. Wax kala jiidjiidashada yaan la gaadhsiin meel doqonnimo ah, oo yaan laga tallaabin diillinta cas.

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Ibraahinhawd@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories