HomeAljazeera oo laabatay Eedihii ay ka baahisay Dahabshiil iyo maamulka Shirkadda oo...

Aljazeera oo laabatay Eedihii ay ka baahisay Dahabshiil iyo maamulka Shirkadda oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost) Telefishanka Aljazeera ayaa ka laabtay eedo been abuur ahaa oo uu ka faafiyay shirkadda Dahabshiil Group kadib markii shirkaddu soo saartay warsaxaafadeed ay eedaha iskaga fogaysay.

Jazira
Laanta Afka Carabiga ee telefishanka Aljazeera ayaa barmaamij uu baahiyay March, 17, 2019 waxa ku jiray eedaymo ka dhan ah shirkadda Dahabshiil laakiin, telefishanka ayaa barmaamijkiisa ka saaray qaybaha ku saabsana shirkadda Dahabshiil

Warsaxaafadeed shirkadda Dahabshiil soo saartay 19 March ayaa lagu yidhi

“Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana macluumaadkan ka saaro boggagga lagu baahiyay.”

Kadib warsaxaafadeedka telefishanka Aljazeera waxa uu barmaamijka ku jiray boggaggiisa ka saaray qaybaha ku saabsana shirkadda Dahabshiil.

Shirkadda Dahabshiil ayaa hore u sheegtay in aanu telefishanku siin xuquuqda jawaabta intii aanay barmaamijka baahin taas oo saamixi lahayd in laga fogaado eedo aan sal iyo raad toona lahayn oo barmaamijka ku jiray kana dhan ahaa shirkadda.

Guddoomiyaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa sheegay in shirkaddu dhiiri gelinayso saxaafadda caalamka oo dhan ee xaqiiqda ku salaysan

“Ciddii Dahabshiil doonta in ay la hadasho ma waydo, Dahabshiil wuxuu ka shaqeeya boqol iyo dhawr iyo labaatan Waddan oo caalamka ah, nasiib darro wax xidhiidh ah oo ay nala soo sameeyeen ma jirin haddii ay nala soo samayn lahaayeena si sax ah ayaanu uga jawaabi lahayn waxyaalaha ay doonayaan in ay na waydiiyaan.

Anagu saxaafadda caalamka oo dhan xorriyaddooda iyo shaqadooda ixtiraam baanu u hayna, in saxaafaddu shaqadeeda qabsatana ixtiraam baanu u hayna laakiin, sida caalamka looga shaqaynayo waad ogtihiin BBC-da iyo kuwa la midka ahba caddaaladda in ay ilaaliyaan oo cidda ay magaceeda sheegayaan hubiyaan oo ay siiyaan in ay ka jawaabaan,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil oo BBC-da u warramay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories