HomeAl-Shabaab oo Wacad ku Martay inay ka Aar-goosato Maraykanka, shaacisayna Khasaaraha ka...

Al-Shabaab oo Wacad ku Martay inay ka Aar-goosato Maraykanka, shaacisayna Khasaaraha ka soo gaadhay Duqeyntii Todobaadkan Madaxdooda lala beegsaday

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

godaneMuqdisho (SLpost)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka Soomaaliya, ayaa ka hadashay khasaaraha ka dhashay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ku qaadeen goob ay ku shirayeen xubno ka tirsan hoggaanka kooxdaas.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka, ayaa todobaadkan horaantiisii wakhti habeenimo ah duqeyn u geystay goob u shirayeen madaxda kooxda Al-Shabab, waxaana soo baxayey warar sheegaya in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu ku jiray saraakiil weerarkaas lagu dilay.

Haseyeesehee, kooxda Al-Shabaab ayaa beeniyey in weerarkaas uu ku dhintay Hoggaamiyahooda Axmed Cabdi Godane, balse waxa ay qireen sarkaal sar-sare oo kaga dhimatay hawl-galka Marayakanku ka fuliyey goob ay ku sugnaayeen madaxda kooxda Al-Shabaab.

Bog cusub oo kooxda Al-Shabaab ka samaysatay barta Twitter-ka, ayaa lagu baahiyey in uu been yahay Wararka Warbaahinta tebiyeen ee ahaa in Axmed Godane lagu dilay Weerarkii dhanka Cirka ahaa ee Habeenkii Isniinta ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaanu u sheegaynaa Warbaahinta inay joojiyeen Wararka Beenta ah ee sheegaya in Emir Sheikh Abu Zubeyr lagu dilay Weerarka, waxaan idiin leenahay Godane waa uu nool yahay, waxna masoo gaadhin,” ayaa lagu sheegay warka lasoo dhigay Twitter-ka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Weerarka lagu dilay Qof kamid ah Al shabaab, balse Magaciisa & Darajadiisa aan sheegin, Waxaa lagu yidhi Warka Twitter-ka, “Diyaaradaha Cadowga Alle waxa ay saddex Gantaal ku dhufteen Goob kayn/Duur ah, waxa ay la kulmeen Iska caabin.”

Al-Shabaab waxa ay sheegtay inuu nool yahay Amiirkooda Axmed Godane, balse waxa ay ku hanjabeen inay jawaab ka bixin doonaan weerarka Maraykanka. “Waxaan si sahlan ugu jawaabaynaa Warbaahinta Reer galbeedka, Emir Sheikh Abu Zubeyr waa uu noolyahay, howshisa ayuuna wataa, Jawaabna waan ka bixin doonaan Weerarka Mareykanka,” ayuu lagu sheegay qoraalka Kooxda Al-Shabaab ku baahisay boggeeda Twitter-ka.

Bogga Cusub ee Twitter-ka Warkan lasoo dhigay waxa la sameeyay 10 Saac ka hor, waxaanan si rasmi ah loo xaqiijin karin in Al shabaab leeyihiin iyo in kale.

Weerar dhinaca cirka oo Maraykanku sannadkii 2008 ka fuliyey gobollada Dhexe ee Soomaaliya, ayaa lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Aadan Xaaji Cayrow, wakhtigaasna kooxdu waxay caddeysay in weerarkaas lagu dilay hoggaamiyahoodii, balse weerarkan danbe waa ay ka gaabsadeen waxaana taasi lagu micneeyay in 90% uu Godane ku dhintay Weerarkii Habeen hore.

Shakiga jira waxa uu sal dhigan doonaa marka uu Godane soo diro Cajalad Maqal ah oo uu ku sheegayo inuu nool yahay iyo sida ay wax u jiraan.

Kooxda Al shabaab ayaa wakhtigan ka hadda Degmada Baraawe Howlgallo ay Dadka Deegaanka kaga qaadayso Taleefoonada gacanta (Mobiles), kadib markii ay ka shakiyeen in Dad ku sugan Degmada ay la shaqaynayeen Maraykanka isla markaana ay hageen Weerarkii Habeen hore ee lala eegtay Axmed Godane.

Sidoo kale, Al shabaab waxa ay xireen Dad badan oo isagu jira Rayid & kuwa Kooxd kamid ah, waxaana ay sheegeen in Cidi ku cadaadata inuu la shaqeeyo Reergabeedka & DFS ay dili doonaan, Xaaladda Cabsi ah ayaa ka jirta Degmada Baraawe & Deegaanada kale ee Al shabaab joogaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories