HomeAl-shabaab Oo Soo Bandhigtay Sawirada Weerarkii Janaale Ee Ciidamada AMISOM Ay Ku...

Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Sawirada Weerarkii Janaale Ee Ciidamada AMISOM Ay Ku Laysay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Muqdisho(SLpost)-Al-shabaab ayaa soo Bandhigtay Maanta SAWIRRO Muujinaya Weerarkii ay 01-dii bishan September ku Qaadday Saldhig Ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo sheegay inay ku dileen Weerarkaas Askar fara badan oo ciidamada AMISOM ee dalka Uganda ka socda ka tisranaa.

Weerarka oo ahaa kii ugu xumaa oo ay Al-shabaab ku Qaaddo Saldhigyada AMISOM ay ku leedahay Gobolka Shabeellada Hoose, Marka laga reebo Weerarkii horay ugu qaadday Saldhiga AMISOM ee Leego oo ay ku dileen in ka badan 60-askari oo ciidanka AMISOM ka tirsan.

201597635772055315072518Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (9) 201597635772054747659068Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (3) 201597635772053712368866Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (1) 201597635772056266548518Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (14) 201597635772056106091071Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (13) 201597635772055567959420Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (11)

Sidoo kale, Al-shabaab oo Sawirradaan kusoo bandhigtay website-yadooda ayaa xustay in saldhiga ay ka qaateen Saanado Millateri oo isugu jira hub iyo qalab kale oo ay AMISOM lahaayeen; inkastoo taliska guud ee AMISOM uu beeniyay in saanado millateri laga qaatay saldhiggooda Jannaale.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale xustay in Weerarkaas uu ahaa mid ay ugu Aar-gudayeen Dad Shacab ah oo ku sugnaa xaflad Aroos oo ay ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ku 31-kii July, 2015-ka guri ku yaalla Xaafadda Ruusiya oo ka tirsan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, Millateriga dalka Uganda ayaa sheegtay in weerarkaas looga dilay 12 ka mid ah askartooda ka howlgala Somalia, sidoo kalena looga dhaawacay 12 oo Askari, iyadoo maydadka askarta dhintay la geeyay Kampala halkaasoo lagu aasay.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa ciidanka AMISOM ku qasbay inay isaga baxaan saldhigyo ay kaga sugnaayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Al-shabaab ay ku goodisay mar kale inay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah AMISOM.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories