HomeAl-shabaab oo soo bandhigtay 76-askari oo ay sheegeen inay ka dileen AMISOM

Al-shabaab oo soo bandhigtay 76-askari oo ay sheegeen inay ka dileen AMISOM

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLpost) – Kooxda Al-shabaab ee dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegatay nay laayeen 76 askari oo ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM, gaar ahaan ciidamada Burundi dagaal shalay ku dhex maray degmada Dayniile ee magaalada Muqdiskho.

blankAf-hayeenka Al-shabaa Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wakhti ay maydadka askartan soo bandhigayeen warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay, “”Alle ayaan uga mahadcelinaynaa dilka askartan aan u geysannay. Dadka Muslimiinta ah waxaan leenahay bishaareysta waa la dilay kuwii madaafiicda idinku soo tuuri jiray,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay dagaal u dhexeeya gaalada iyo muslimiinta, isagoo sare u taagayay mucatab iyo baybal, isagoo shacabka ugu baaqay inay dagaallada ka qaybgalaan. “Tani waxay digniin u tahay ciidamada Kenya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana shacabka Kenya u sheegaynaa in haddii wiilashooda ay ceshan waayaan ay la kulmi doonaan dilkan oo kale,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Waxa kale oo uu sheegay in shacabka Burundi iyo kuwa Uganda ay ku raaxeystaan maydadka askartooda, isagoo sheegay in qof walba oo Soomaali ah laga doonayo inuu toogto askarta AMISOM meel walba oo ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa ugu dambeyn sheegay in dagaallada ay sii socon doonaan. Waxaana dagaalka lagu dilay askarta faraha badan ee AMISOM ka tirsan lagu dilay dagaallo shalay ka dhacay degmada Dayniile.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay ciidamada Burundi ayaa beeniyay in askar badan looga dilay dagaalladii shalay ka dhacay degmada Dayniile, wuxuuna sheegay inay ku dileen dagaalladaas askar badan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories