HomeAl-Shabaab oo sheegatay inay Guul ka gaadhay Weerarkii Balli-doogle iyo Dowladda Maraykanka...

Al-Shabaab oo sheegatay inay Guul ka gaadhay Weerarkii Balli-doogle iyo Dowladda Maraykanka oo ka hadashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Malleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Weerar qorsheysan oo gelinkii hore ee maanta lagu qaaday Saldhig Ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya, waxaanay sheegtay inay halkaas ku dishay ilaa 100 Askari.

blankSaldhigga Milatari oo sidoo kale fadhiisin u ah Ciidamada Danab oo ah guutada 43aad ee Milatariga Soomaaliya, ayaa kooxda Al-Shabaab ku weerartay gaadhi lagu soo xidhay waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday gedinka laga galo saldhigga, ka hor intii aanay ciidamada Al-shabaab gudaha u gelin Saldhigga Balli-doogle oo fadhiisin u ah Ciidamo Maraykan ah iyo Ciidammada sida gaarka ah u tababbaran ee Soomaaliya ee loo yaqaano Danab, halkaana uu ka dhacay Dagaal qadhaadh oo u dhexeeya Ciidammadii Al-shabaab oo dhinac ah iyo Ciidammada Maraykanka ee halkaa ku sugnaa iyo kuwo Danab oo isku dhinac ah.

Idaacadda Al-shabaab ee Andulus oo soo xiganaysa Saraakiil ka mid ah Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in Al-shabaab ay weerarka ay ku qaadeen Saldhigga Balli-doogle ay ku dileen illaa 100 Askari, isla-markaana burburiyeen ugu yaraan shan diyaaradood oo isugu jira Drones iyo Helicopters.

Waxa kale oo Warbaahinta Al-shabaab taageertaa sheegaysaa in kooxdii Al-shabaab ee Weerarka ku qaadday Saldhiggu ay qabsadeen goobo ka mid ah Saldhigga, illaa haddana gudaha Saldhigga ka dagaalamayaan.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay weerarka Al-Shabaab, waxaanay sheegtay inaan cidna lagaga dilin weerarkaas. “Askarina wax laguma yeelin Weerar Al-shabaab ku qaadday Saldhigga Balli-doogle,” sidaa waxa sheegtay Safaaradda Dawladda Maraykanku ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa Cambaareeyay weerarka Al-shabaab ku qaadday Saldhigga Ciidammada Maraykanku ku leeyihiin Balli-doogle oo uu xaqiijiyey jiritaankiisa.

“Maraykanku wuxuu cambaaraynayaa weerarrada Maanta ka dhacay Balli-doogle iyo Muqdisho..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu bogaadinayaa Ciidammada Amniga ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka hor-tagay Weerarkii Ciidammada Qaranka Soomaaliya (SNA) ee saldhiggoodu yahay Balli-doogle oo ah Gobolka shabeelaha Hoose,” Sidaas ayuu yidhi Safiirku.

Al-shabaab waxay sheegtay in Saldhigga Balli-doogle ay uu xarun u yahay Ciidammada Maraykanka, laakiin Safiirka Maraykanka Soomaaliya ma soo hadal-qaadin in xilliga weerarku dhacay ay Ciidammo halkaa ka joogeen Maraykanka, waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin inaan  Ciidanka Soomaaliya ee Saldhigga joogay aanay waxba ku noqonin weerarkaasi.

Saldhigga Balli-doogle, waxa ku sugan ciidamo Maraykan ah oo aan tiradooda la xaqiijin, balse waxa ay dowladda Maraykanku hore u sheegtay inay halkaas ku sugan yihiin Saraakiil iyo ciidamo kooban oo loogu talo-galay inay tabobarro u fidiyaan Milatariga Soomaaliya.

Source: Wakaaladaha Wararka iyo HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories