HomeAl-Shabaab oo Shaacisay Khasaare ay u Geystay Ciidamo Maraykan ah oo lagu...

Al-Shabaab oo Shaacisay Khasaare ay u Geystay Ciidamo Maraykan ah oo lagu Weeraray Gudaha Dalka Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Nairobi (SLpost)- Dagaalyahanno ka mid ah kooxda Al-shabaab ayaa shalay Axaddii weerarray Saldhig ku yaalla Gobolka Lamu ee dalka Kenya, kaasi oo ay wadaagaan Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Kenya.

Masuuliyiinta Amniga ee dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in xooggaga Al-shabaab ee weerarray Saldhiggu ay burburiyeen diyaarad Maraykanku leeyahay oo Saldhigga la weerarray taallay iyo gaadiid kuwa Ciidammada ah oo halkaa yaallay, sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee AP oo warkan baahisay.

blankDhinaca kalena, Al-shabaab oo soo saartay bayaan ay kaga hadlayso weerarka Saldhigga Lamu ayaa sheegatay inay dishay 10 Askari oo Maraykan ah iyo 6 Millateriga Kenya ah.

Al-shabaab waxa kale oo ay sheegatay inay weerarkaa ku burburisay diyaarad uu Maraykanku leeyahay oo saldhigga taallay iyo Gaadiid kuwa dagaalka ah,.

Kooxdu waxay Mareegaha Internet-ka ee taageera ku soo bandhigeen Sawirro muujinaya diyaarad fadhida oo gubanaysa, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay diyaaradda ay ku burburiyeen Saldhigga Ciidammada Maraykanka ee Lamu.

Toddobaad ka hor, Waaxda duulimaadyada ee Maraykank ee FFA ayaa ka digtay weerarro lala beegsado diyaaradaha ka diwaangashan Maraykanka ee isticmaala hawada Dalka Kenya.

 

Muxuu yahay Saldhigga SIMBA CAMP oo Al-Shabaab Weerartay?

Saldhigga ay weerarka xooggan ku qaadeen Xoogagga Al-Shabaab, waxa lagu magacaabaa SIMBA Camp, wuxuuna ku yaallaa magaalada Maanda Bay oo ku teedsan xeebta badweynta Hindiya ee gobolka Lamu oo ah gobolka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan dalka Kenya.

blankSaldhiggan waxaa markii ugu horreysay xadhigga laga jaray sannadkii 2004-tii xilligaas oo ahayd markii uu Maraykanku bilaabay inuu Isku ballaadhiyo dacallada adduunka saldhigyo Milatarina ka samaysto.

Markii la furayey saldhiggan, waxa lagu sheegay in lagu tabobarayo ciidammada badda Kenya balse markii dambe ayuu isku beddelay goob lagu diyaariyo ciidamo jinsiyo kala duwan leh kuwaas oo loo carbiyo la-dagaalanka argagxisada.

Sida ku cad warbixinnada laga diyaariyey saldhiggan, waa mid kuyaal jiidda hore ee dagaalka Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna 100KM oo u jiraa xuduudka Soomaaliya, halkaas oo Maraykanku kala socdo dagaalka u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo Ciidamada dalka Kenya.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories