HomeAl-shabaab oo lacago baad ah awgood ku xidhay Shirkaddaha Dahabshiil, Nationlink &...

Al-shabaab oo lacago baad ah awgood ku xidhay Shirkaddaha Dahabshiil, Nationlink & Telcom, ogolaadayna Hormood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLpost)- Kooxda Al-shabaab ayaa albaabada u laabtay xarumaha Shirkaddaha Dahashiil, Nationlink iyo Telcom ay ku leeyihiin guud ahaan gobollada ay ka taliyaan, isla markaana wax faahfaahin ah oo talaabadan la xidhiidha oo laga hayo dhanka Al-shabaab ma jirto.

Warku wuxuu sheegay in masuuliyiinta shirkadahan oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in aanay garanayn sababta keentay in la xidho xafiisyadii ay ku lahaayeen goobaha ay Al-shabaab ka taliso.

Gobollada xarumaha shirkadahan laga xidhay ayaa la sheegay inay kala yihiin Jubbooyinka, Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, iyada oo saraakiisha shirkadahani looga yeedhay saldhigyada ku yaala goobaha ay ku kala sugan yihiin. Isla markaana lala socodsiiyay talaabadan laga qaaday ganacsiyadooda.

Warku wuxuu intaa ku daray in Kooxda Al-shabaab aanay weli ka hadlin sababta keentay inay albaabada u laabaan xarumaha shirkadahan, balse warar madaxbanaan ayaa la sheegay inay sababtu tahay lacago ay Kooxda Al-shabaab ku amartay inay bixiyaan shirkadahani, taasoo ay iyaguna diideen, iyada oo tani ay noqonayso markii ugu horreysay ee saddexdan shirkadood la xidho xafiisyada ay ku leeyihiin guud ahaan gobollada ay ka taliyaan Al-shabaab.

Dhanka kale, warku wuxuu sheegay in Shirkdda Isgaadhsiinta Talefoonda ee Hormood ay iyadu ka shaqaynayso dhamaanba goobaha ay ka taliyaan Kooxda Al-shabaab, inkasta oo aanu warku kala cadayn sababta shirkaddan gaarka looga saaray shirkaddaha kale ee ay ka mamnuuceen goobaha ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab.

Inkasta oo ay shirkaddahan ka shaqeeyaan boqolaal qof dhulalka ay ka taliyaan Al-shabaab, haddana go’aankan ayaa u muuqda mid aan loogu danayn faa’iidooyinka ka soo galaya dadweynaha kala duwan ee manaafacaadsada ganacsiyada shirkaddahani xambaarsan yihiin. Hase yeeshee, waa markii ugu horaysay ee shirkado ay tiradoodu intaa dhan tahay ay kooxda Al-shabaab mar keliya wada mamnuucaan. Balse wararku waxay tibaaxayaan in khasaaraha ugu badani uu ku dhici doono dadka ka shaqeeya iyo kuwa adeegsadaba.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories