HomeAl-Shabaab oo digniin u dirtay Macallimiinta Dugsiyada Kismaayo, beenisayna inay afduubeen Gabadh...

Al-Shabaab oo digniin u dirtay Macallimiinta Dugsiyada Kismaayo, beenisayna inay afduubeen Gabadh Ingiriis ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kismaayo,  (SLpost)- Maamulka Malleeshiyada Al-shabaab ee magaalo-madaxda Jubbada Hoose ee Kismaayo, ayaa digniin u jeediyay Macallimiinta kala duwan ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada ee magaaladaas.

Digniinta ay Kooxda Al-Shabaab, u dirtay Macallimuntu ayaa nuxurkeedu ahaa inaanay Macallimiintu ka hadli karin, isla markaana aanay wax macluumaad ah siin karin Warbaahinta caalamiga ah. Amarka iyo digniinta isu-huwan ee Al-Shabaab ka soo yeedhay, ayaa yimi ka dib markii dhawaan Macallin ka tirsan Macallimiinta Kismaayo la hadlay Warbaahinta caalamiga ah oo uu uga warramay saamaynta uu ku yeeshay go’aan maamulka Kismaayo uu Iskuullada ku amray in ay beddelaan Manhajka wax looga dhigo Ardeyda Dugsiyada guud ahaanba gobolkaas wax ka barata.

Mid kamid ah Macallimiinta Dugsiyada Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa waxa Hiiraan Online u sheegay in Maamulka Kismaayo uu yeedhay dhammaanba Macallimiinta Iskuullada ee Magaalada iyagoo Macallimiinta uga digay inay la hadlaan Warbaahinta caalamiga ah.

Waxa kale oo Macallimiinta amar lagu siiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojiyaan Manaahijta ku baxa Afka Ingiriisiga, isla markaasina ay ku beddalaan manhaj ku baxa Afka Carabiga.

Arintani ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan bayaan kasoo baxay Xafiis loogu yeedhay Xafiiska guud ee Waxbarshada ee Malleeshiyada Al-Shabaab lagu sheegay in aan la oggolaan doonin manaahijta haatan wax lagu baro ardeyda Soomaaliyeed, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku tilmaameen in ay yihiin manaahij kasoo horjeedda shareecada Islaamka.

Dhinaca kale, Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa shalay sheegay inaanay ka dambeyn afduub loo geystay haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska oo dalxiis ku joogtay Xeebta tamashalaha loo tago ee Kiwayu Safari Village ee dalka Kenya.

Rag hubeysan oo aan illaa hadda la ogeyn haybtooda, ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xeebta lagu raaxeysto ee Kiwayu saacado hore oo habeenkii Axadda ahaa, waxayna toogteen David Tebbutt oo 58-jir ahaa, iyagoo afduubtay xaaskiisa Judith Tebbutt oo 56-jir ahayd, iyagoo kula baxsaday dooni yar oo ay wateen.”Al-shabaab may afduuban qof Ingiriis ah. Waxaan rumeysannahay in weerarkaas ay fuliyeen koox hubeysan oo budhcad ah.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal sare oo Al-shabab ka tirsan oo khadka taleefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, kaasoo la qariyay magaciisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Warsaxaafadeed aanu arrintan kaga hadlayno ayaanu dhawaan sii-dayn doonnaa, kaasoo aanu ku caddeynayno in Al-shabaab aanay lug ku lahayn afduubkaas,” ayuu yidhi sarkaalka sare ee magaciisa qariyay.

Haweeney sarkaalad ah oo ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan magaalada Kismaayo oo 200-km u jirta xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa iyaduna u sheegtay Reuters in Judith Tebbutt la geeyay Salaadadii doraad Kismaayo, balse aan la ogeyn meel xilligan lagu hayo.

Sidoo kale, haweeneydan waxay weerarka dusha ka tuurtay rag ay sheegtay inay isku ekeysiiyeen Al-shabaab, balse aan ka tirsanayn oo ay maalgashadeen kooxaha budhcad-badeedda ah. “Kooxaha budhcadbadeedda ah waxay sameystaan hub iyo doomo ay wax ku weerari karaan. Budhcadbadeeddu waxay hadda doonayaan inay madax-furasho ku xidhaan sii-daynta haweeneydan, laakiinse Al-shabaab way kasoo horjeeddaa fikraddaas,” ayay tidhi sarkaaladda ka tirsan Al-shabaab.

Sarkaaladdu waxay sheegtay inay saraakiisha Al-shabaab Kismaayo ay u soo direen taleefoon ay ugu sheegeen sida ay uga cadheysan yihiin kooxaha budhcadda ah ee weerarrada ka fulinaya Koonfurta Soomaaliya. Booliska dalka Kenya ayaa iyaguna rumeysan in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay fuliyeen weerarka, oo ay haweeneyda ula carareen gudaha dalka Soomaaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories