HomeAl-shabaab oo abaalmarin uu Hub ku jiro guddoonsiisay Dhallinyaro ku guuleysatay tartan...

Al-shabaab oo abaalmarin uu Hub ku jiro guddoonsiisay Dhallinyaro ku guuleysatay tartan aqooneed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Muqdisho, (SLpost)- Deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa Axaddii toddobaadkan ka dhacday munaasabad lagu soo xidhay tartan aqooneed ay qabatay Idaacadda Al-andalus ee ku hadasha afka Malleeshiyada Al-shabaab, Xafladdaas oo abaalmarinno Hub ku jiro lagu gudoonsiinayay kooxihii kaalimaha hore ka galay tartan aqooneedka.

Xaflada ayaa waxa ka qeybgalay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Al-shabaab, sida Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) iyo Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Max’ed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan).

blankSheekh Mukhtaar Roobow oo isagu ka mid ahaa masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixiyay faa’iidada uu leeyahay cilmigu, isagoo kula dar-daarmay kooxihii kala duwanaa ee halkaasi ku sugnaa inay sii laba-jibbaaraan dedaalkooda aqooneed, waxaana sidoo kale goobta khudbado aqoonta ku saabsan ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab.

Gegabadii Xafladda ayaa waxa lasoo bandhigay kooxihii kaalimaha hore ka galay tartan aqooneedkii ay qabatay Idaadcadda Andalus, waxaana koox walba la guddoonsiiyay abaalmarinno uu Hub ku jiro.

Kaalinta koowaad ayaa waxaa ku guuleysatay koox ka socotay Xaafadda Imaamu Shaafici ee deegaanka Ceelasha-biyaha waxaana la guddoonsiiyay qori AK-47 ah iyo 21 Milyan oo Shilin Soomaali ah.

Tarmayaashii ka socotay magaalada Kismaayo ayaa waxay galeen kaalinta labaad, waxaana la guddoonsiiyay qori AK-47 ah iyo 15 milyan oo shilin Soomaali ah.

Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa gashay Kaalinta Saddexaad waxaana la guddoonsiiyay laba bambaano F-1 ah iyo 12 milyan oo shilin Soomaali ah.

Ardaydii abaal-marinnada la guddoonsiiyay ayaa waxay aad ula yaabeen Hubka la siiyay iyo weliba sida ay ka yeelayaan, maaddaama ay yihiin arday waxbarata, isla markaana aan aqoon u lahayn isticmaalka Hubka.

Maaha markii ugu horreeysay ee ay Al-shabaab Hub guddoonsiiso arday ku guuleysatay tartan aqooneed, hase yeeshee tartan aqooneed kan la mid ah oo Ramadaankii hore loo qabtay arday u tartamaysay qaybo ka tirsan gobollada dalka ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay kooxihii kaalimaha hore galay Hub isugu jiray qoryaha fudud iyo bambaanooyin kala duwan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories