HomeAl-qaacida Oo Dahab Dul-dhigtay Madaxa Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Ka Dagaalamaya Yemen

Al-qaacida Oo Dahab Dul-dhigtay Madaxa Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Ka Dagaalamaya Yemen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

abdulmalikalhouthiYemen, (SLP)- Kooxda Al-Qaacidada dalka Yemen ee magaceeda loo yaqaan AQAP ayaa ku dhawaaqay inay siinayaan 20-kg oo dahab ah qofkii u keena madaxa hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen, Cabdulmalik Al Xuuthi.

Dawladda Sucuudiga iyo xulafadeeda ayaa dagaal adag kula jira kooxda Xuthiyiinta ee dalka Yemen, iyadoo go’aanka kasoo baxay Al-Qaacidada Yemen lagu soo beegay xilli kooxda Al-Qacida ay dhankeeda ka wado dagaal ka dhan ah Shiicada Yemen.

Kooxda Al-Qaacida oo ka faa’iidaysanaysa fowdada ka dhalatay Yeman ayaa maalmihii la soo dhaafay weerarro ku qaadayay xarumaha dawladda ee ku yaalla Mukallah, isla markaana siidaysay maxaabiis badan oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha kooxda AQAP.

Al-Qaacida ayaa hore uga gaabsatay dagaalka dhex-marayay Xuuthiyiinta iyo dawladdii Yemen, waxayna xilligaas ku mashquulsanaayeen abaabulka maleeshiyadooda koonfurta Yemen ku sugan.

Ugu dambayn, go’aanka Al-Qaacida ayaa kusoo beegmaya xilli Xuuthiyiinta xarumahoodii kaydka hubka ay duqeeyeen diyaaradaha xulufada ay dawladda Sucuudigu horkacayso.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo koox Al-Qaacida ka tirsani ay ku dhawaaqdo inay dhaqaale ku bixinayso dilka hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories