HomeAl Nuur Furniture Oo Abaal-Marinno Guddoonsiisay Dad Ka Faa’idaystay Fursado Shirkaddu Macaamiisheeda...

Al Nuur Furniture Oo Abaal-Marinno Guddoonsiisay Dad Ka Faa’idaystay Fursado Shirkaddu Macaamiisheeda u soo bandhigtay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Qalabka Dhismaha iyo Xafiisyada ee ALNuuR Furniture ayaa abaal-marinno kala duwan gudoonsiisay qaar ka macaamiishooda oo nasiibka u helay inay ka faa’iideystaan Fursad shirkaddu ugu magac-dartay ‘Maalinta Qoyska’, iyada oo marka ay iibsadaan hal shay bilaash ku helayay shay kale oo dheeraad ah, sida: Flat Screen, Qasaalad dharka ah, ama Talaagad.

Shirkadda ALNuuR Furniture ayaa ujeeddada ay ka leedahay maalinta farxadda Qoyska ee Gu’ga waxa weeyaan madhxinta jeebka macmiisha, iyo kordhinta farxaddooda, sababta oo ah waxa lafdhabar u ah ganacsiga Shirkadda Qoysaska.

alnour (2)Madaxa suuqgeynta ee Shirkadda ALNuuR Furniture Cabdiqani Maxamed Xuseen oo ka hadlayay u-jeeddada maalinta  Qoyska, ayaa waxa uu yidhi, “ Maalinta Qoyska 15 April waa maalin ay dadku soo dhaweeyeen oo ay ku diirsadeen, waxaana weeyaan xilliga Gu’ga oo madhxinta jeebka macmiisha, iyo kordhinta farxaddooda, sababtoo ah waxa laf-dhabar u ah ganacsiga Shirkadda Qoysaska.Arrintana sanad-walba waanu sameyn doonaa.”

Deeqa Jaamac Nuur oo ahayd gabadh reer Jabuuti ah oo nasiib u heshay abaalmarino kala duwan Maalinta Qoyska 15 April 2015-ka, ayaa waxa uu yidhi,  “Waa  ii farxad ah inaan nasiib u helay oo aan ku guuleystay abaalmarinno kala duwan, waxaanan iibsaday Fadhi oo waxaan abaalmarin u helay Screen Flat, waxaan iibsaday cunto oo waxaan helay Qasaaladdii dharka lagu meydhayay, arrintanina waa qiimo dhimis balaadhan,waxaanan uga mahad-celinayaa shirkadda ALNuuR Furniture fursaddan qaaliga ah ee ay noo samaysay, markaa waxaan ugu duceynayaa shirkadda ALNuuR Furnire ILAAHAY ha barakeeyo waanay naga farxisay ILAAHAY ha ka farxiye”.

alnour (1)Sidoo Kale, Ibraahim Cali Xuseen oo isna ka mid ahaa dadkii abaal-marinta ka faa’iideystay, waxaanu yidhi, “Arrintan Ay Shirkadda ALNuuR Sameysay waa arrin way, maaha uun qiimo dhis uun ee waa maalgelin weyn oo ay ku sameysay guryaha, waana muhiim wakhtiga ay ku beegtay oo ah wakhtiga Gu’agu soo galayo, ‘Waan ka aqbalnay magaca loo bixiyay ee ah Maalinta Qoyska, Waxaan leeyahay Shirkadda ALNuuR faa’iido uun nagama deydo ee wax ayay nagu soo celisay, wanaan ku faraxsanay.”

alnour (3)Saado Qaasim Xaashi oo iyaduna abaalmarino kala duwan nasiib u heshay ayaa waxay tidhi,“Waxaan iibsaday fadhi,Cunto iyo Hurdo, waxaanan abaalmarin u helay Qasaalada dharka,Screen Flat iyo talaagad, markaa waan ku faraxsanay saddexda shay ee aan abaalminta u helay,Shirkadda ALNuuR-na waan uga mahad-celinayaa, waxaanan leeyahay Shirkadaha kalena inay ku daydaan ALNuuR oo ay dadka wax ku soo celiyaan.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories