HomeAL-FAATIX: Macad Qaab Casri ah loogu baranayo Xifdiga Qur'aanka Kariimka ah iyo...

AL-FAATIX: Macad Qaab Casri ah loogu baranayo Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah iyo Shareecada Islaamka oo Hargeysa laga furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Macad Waxbarasho oo lagu baranayo Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah, Shareecada Islaamka iyo Luuqadda Carabiga, ayaa maanta laga furay magaalada Hargeysa.

Mac-hadkan oo lagu magacaabo Al-Faatix, ayaa maanta magaalada Hargeysa loogu qabtay munaasibad lagu shaaciyey daah-furkiisa, waxaana munaasibadda ka qayb-galay Guddoomiy ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, culimo-aw-diinka ugu magaca weyn caasimadda Hargeysa qaarkood, Abwaanno iyo Marti-sharaf kale.

blankShakhsiyaadka munaasibadda daah-furka Macadka hadallada ka jeediyey waxa ka mid ah Guddoomiy ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada, Axmed Abokor, Sheekh Almis Yaxye, Sheekh Cabdiraxmaan Faarax iyo Abwaan Xasan Daahir Weedhsame

Adeegyada Barasho ee Macadkani bixinayo, waxa kale oo ku jira Qayb Online ah oo Ardaydu iyagoo guryahooda ama goobahooda shaqo ku sugan ay ku baranayaan culuumka kala duwan ee macadku bixiyo oo uu ugu horreeyo Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah.

Macadka Cusub oo xaruntiisu ku taallo Xaafadda Jigjiga Yar, gaar ahaan Galbeedka Iimaan Center ee magaalada Hargeysa, waxa aasaasay Sheekh Maxamed Cabdirashiid Wayrax oo ah Khaddiibka Masjidka 26 June (Ibraahim Dheere) ee magaalada Hargeysa.

Sida Maamulku ka sheegay xafaladda, Shahaadada Macadka waxa aqoonsan Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, waxaanay ardayda ku soo baxda Dhibcaha ugu sarreeya ee Imtixaanku helayaan Deeq Waxbarasho oo looga diyaariyey Jaamacadaha dalka Suudaan.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalka warbixin laga diyaariyey munaasibaddii maanta lagu daah-furay Macadka Al-Faatix.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories