HomeAkhriso Nuxurka DACWAD Xisbiga UCID ku dalbaday Beddelka Laba Xildhibaan oo ka...

Akhriso Nuxurka DACWAD Xisbiga UCID ku dalbaday Beddelka Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

FAYSAL-NEWONEHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Guddida Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyey dacwad ka dhan Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Xildhibaan Cabdirashid Maxamed X. Yuusuf oo labadoodu ka soo baxay Xisbiga UCID, kuwaas oo todobaadkii hore munaasibad loogu qabtay Berbera taageero ugu muujiyey Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye.

Warqad xambaarsan dacwadda Xisbiga UCID, kuna saxeexan yahay guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo lagu socodsiiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga doorashooyinka, ayaa ogeyiin lagu siiyey Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Asixinta Axsaabta, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Waraaqda loo gudbiyey hay’adahan ee xambaarsan dacwadda ka dhanka ah Maayarka Berbera iyo xildhibaankaas oo xisbigu ku codsaday in labadaas xubnood loogu beddelo xubinihii ugu codka dhawaa codadka xisbiyada, ayaa u qorneyd sidan: “Waxaanu masuuliyiinta sharafta leh ee waraaqdani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, aanu halkan ugu soo gudbinaynaa anagoo ah masuuliyiintii ugu saraysay xisbiga sida waafaqsan xeerka  dacwada  ka dhanka  ah labada xildhibaan ee  kala ah.

1-Cabdishakuur  Maxamed  Xasan (Duqa Magaalad Berbera)

2-Cabdirashiid  Maxamed  X. Yuusuf (xubin golaha degaanka Berbera)

Xildhibaanadaas oo sida la wada ogyahay ku dhawaaqay oo cadeeyay inay xisbiga UCID ka baxeen kuna biireen xisbiga Kulmiye  looguna qabtey xaflad ay ka  qayb galeen masuuliyiinta ugu sareysa Xusbiga Kulmiye  iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda  Somaliland , xafladaas oo ay ku  caddeeyeen ku biiridooda rasmigaa ee xisbiga kulmiye oo ay kana  wareegeen xisbiga ucid.

Hadaba waxay  labadaa  xildhibaan  si cad oo  badheedh ah u jebiyeen xeer-hoosaadka xisbiga UCID, Qodobadiisa: 7aad , 8aad faqradiisa( 5)aad.

Waxa kale oo ay labada xildhibaan si badheedh ah u jebiyeen  Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta  Siyaasada  Xeer  No.14/2011.

Qodobadiisa:

Qod: 9 farqadiisa(4)  xarfaheed (b),(t)  iyo farqadiisa (5).

Qod: 10 xarfahiisa (b),(t),(j),(x).

Qod: 11 farqadiisa (4).

Sidaa awgeed sida ku cad sharciga waxay baneeyeen kuraastii ay ugu fadhiyeen xisbiga magaciisa ee ay ku ahaayeen xildhibaano qaran waxaan uu sharcigu ogolyahay in xisbigu soo buuxsan karo booskiisa banaanada ee golayaasha qaran isagoo raacaya xeerka Nidaamka urruada iyo Asxaabta siyaasada  oo sheegaya waxa soo galaya jagada banaanata tiro ahaan qofkii ugu soo xigay xisbiga gudihiisa.

NB. Waxanu xasuusinaynaa Cid kasta oo ay khusayso warqadani in codka lagu fadhiyo kuraasta golayaasha deegaanku aanay ahayn cod shakhsi kaligii keeni karo ee uu yahay codkii guud ee xisbigu lahaa dagmada ay xildhibaano uga soo baxeen isla markaana uu yahay kursigani mid ku abtirsada xisbiga ay xildhibaanadiisu ku fadhiyaan oo liiskiisa mu sharaxiintiisuna ay kala sugayaan banaanaantiisa oo loo buu xinayo sida uu xeerku sheegayo.

Waxa kale oo ay jebiyeen xeerka anshaxa xisbiyada  JSL ( code of Conduct )

Sidaa darted waxaanu si xushmadi ay ku jirto uga codsanaynaa masuuliyiinta ay sida tooska iyo sida dadbanba ugu socoto dacwaddani inaad  labada xildhibaan ee magacyadoodu kor ku xusanyihiin aad ka qaaddaan  tallaabo  waafaqsan sharciga  isla markaana  aad noogu buuxisaan labadaa jago ee ay baneeyen ,  xilalkoodii  xubinimo  labada xildhibaan ee  ugu  soo xiga xaga codadka dagmada Barbara ee  xisbiga ucid, sida ugu dhakhsaha badan.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories