HomeAkhriso Bayaan ay wada-jir ah u soo saareen Beesha Caalamka ee...

Akhriso Bayaan ay wada-jir ah u soo saareen Beesha Caalamka ee Taageera Doorashooyinka Somaliland oo socdaal ku imanaya dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- War-mutiyeed ay maanta ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee magaalada Nairobi ayaa lagu shaaciyey bayaan ay wada-jir u soo saareen Beesha Caalamka ee Dhinaca Doorashooyinka ka caawiya Somaliland, kuwaas oo la filayo in wefti sare oo ka socdaay dalka safar ku iman doonaan 12-ka bisha  iyagoo joogi ilaa 14-ka bisha.

Bayaankan oo lagu shaaciyey socdaalka ay dalka ku iman doonaan weftiga beesha Caalamka, waxa ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay inaanu la xidhiidhin ama shaqo ku lahayn Hawsha goob-joogayaasha caalamiga ah ee dusha kala soconaya nidaamka doorashada.

EU and UKBayaankan oo isagoo Af-Soomaali ku qoran la soo gaadhsiiyey warbaahinta, waxa baaq loogu jeediyey Xisbiyada ku loolamaya hoggaanka dalka inay u hoggaansamaan nidaamka sharci ee geeddi-socodka doorashada iyo natiijada ka soo baxda codbixinta ay shacabku dhiibtaan.  Waxa kale oo Guddiga Doorashooyinka lagu boorriyey inay si habsami ah u guda-galaan culayska masuuliyadda ay qaranka u hayaan.

Bayaankan oo ay ku saxeexan yihiin dalalka Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska iyo Maraykanka,   ayaa u qornaa sidan:-

“Wefti heer sare ah oo ka socda hay’adaha caalamiga ah ayaa booqan doona 12- ka ilaa iyo 14-ka bisha November Hargaisa, Somaliland.

Ujeedada booqashadu waa in anu muujino wadidda ka qaybgalka iyo dhiirigelinta xooggan ee geedi socodka ku-meel-gaadhka ah ee dimuqraadiyada

Somaliland iyo in taas macnaheedu yahaay in ay doorasha madax-banaan, oo loo dhan yahay. laguna kalsoonan karo oo daahfuran ay ka dhacdo Somaliland 13ka Bisha November.

Wafdigan heerka sara ah maahan wafid indha-indheynta doorashada Somaliland mana matalaan gudi qas ah oo kormero doorashada madaxweynaha ee Somaliland.

Wada-hawalgalyaasha Caalamiga ah waxaay ku qanacsan yihiin horumarka diyaarinta doorashooyinka waxayna ku boorinayan in ay Guddiga Doorashooyinka Qaranka sii wadaan shaqadooda wanagsan. Waxay sidoo kale ugu baaqayan xisbiyada siyaasadda inay ka qaybgalan doorashooyinka si habboon o nabadad ah. Marka la eego qaabka iyo nidaamyada sharci ee la dejiyaay, si ay u hoggaansamaan go’aamada hay’adaha madax banana iyo inaay siyaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka waqti iyo nafaaska ay ubaahan tahay marka codbixintu dhamaato si ay natijada ugu dhawaaqan. Waxay sidoo kale ku boorinayan dhamman daneeyayasha in ay ixtiraaaman doorka saxaafadda ama warbaahinta ee wargelinta dadweynaha iyo si kor loogu qaado daahfurnaanta iyo kalsoonaanta geeddi-socodka doorashada.

Beesha Caalamku waxay aaminsan tahay in doorashadani ay tahay mid fursad u leh Somaliland inay xoojiso aqoonisgeeda dimuqraadiga ah ee horumarka faa’iidada Somaliland.” Sidaa ayuu u qornaa Bayaankani.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories