HomeAkhri Masuuliyiinta Xilka Laga Qaaday iyo Kuwa Uu Isku Badalka Uu Ku...

Akhri Masuuliyiinta Xilka Laga Qaaday iyo Kuwa Uu Isku Badalka Uu Ku Sameeyay Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XILQ/249/1-3881/022016uu magacaabid,isku-bedel, iyo Xilka qaadis ku sameeyey qaar ka mida Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Xukuumadda.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:Inuu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel Wakiilkiihore Somaliland u fadhiyey Itoobiya).

MAGACAABIDDA WAKIILKACUSUB EEITOOBIYA:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibeddu u leeyihiindhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Aaden Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda

 Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya.

ISKU BEDELKA AGAASIMEYAASHA GUUD:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka BaddaiyoAgaasimaha Guud ee Xannaanada Xoolahaee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:Inay hanankaraanxilalkaa loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel Agaasimihii Guud eehoreeeWasaaradda Xannaanada Xoolaha)

In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.( Bedel Agaasimihii Guud eehoe eeWasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda)

MAGACAABIDDA GUDOOMIYE KU-XIGEENKA HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA:

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahaydhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagadda Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabidda &Xilka QaadistaMaareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranku u leedahay Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka.

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku qancay:in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ibraahim Axmed Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo:Xil-ka Qaadis

Ku: Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahim

Maareeyihii Hore ee Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC)

Mudane,

Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC). Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NDC).

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahim Axmed Raabi oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories