HomeAkademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo Daah-furtay Guddi-hawleedyo la Shaqayn doona

Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo Daah-furtay Guddi-hawleedyo la Shaqayn doona

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, ayaa xaflad daah-fur ah u sameeyey guddi-hawleedyo kala shaqayn doona ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha dimuqraadiyadda, maamul-daadejinta iyo xallinta khilaafyadyada.

Xafladda daah-furka oo shalay lagu qabtay hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan, Agaasimaha fulinta Akadamiga Mr. Maxamed Xirsi Faarax, saraakiil ka socday Wasaaradda Degaanka Somaliland, xildhibaanno ka socday baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), culimo-awdiin, madax-dhaqameed, haween, dhallinyaro iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

akedamigaAgaasimaha Fulinta Akadamiga Nabadda iyo horumarka Somaliland Mr. Maxamed Faarax Xirsi oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlaha kala duwan ee ay kala shaqeeyaan hay’adaha dawladda iyo qaabka ay wax-qabadkooda uga qaybgeliyaan dadweynaha reer Somaliland.

“Waxa aannu ugu talo-galnay in wixii hawl ah ee aannu qabanayno ay ummadda reer Somaliland ogaato, qaybna ka noqoto hawlaha aannu u hayno qaranka Somaliland. Sida aad ogtihiin, marka aannu wax qabanayno waxa aannu ka horaysiinaa daraasad iyo cilmibaadhis qaybaha kala duwan ee bulshadu ka qaybgasho, waxaanan ku go’aan qaadanaa waxa ka soo baxay daraasaadka aannu samayno, taasina waxay tahay in waxa aannu qabanayno ay mudnaantiisu ka timaad bulshada iyo dadweynaha,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Faarax Xirsi.

Waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha kala duwan ee Akadamigu kala shaqayso Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo uu xusay inay ka mid yihiin arrimaha dimuqraadiyadda, xallinta khilaafyada oo arrimaha dhulku ugu muhiimsan yahay, dib-heshiisiinta iyo maamul-daadejinta, isla markaana ay siyaabo kala duwan ula shaqeeyaan hay’adaha dawliga ah.

“Daraasaadka aannu samaynay waxa nooga soo baxay in aannu Komishanka Doorashooyinka kala shaqayno hawlaha doorashooyinka, arrintaasoo ah mid muhiimadeedu ka timi dhinaca dadka ee kama timaad Akadamiga, markaa waxyaabaha dadku yidhaahdaan arrimahaas ayaa muhiim ah ee wax ka qabta, ayaannu annaguna ku dhaqaaqnaa sidii wax looga qaban lahaa,” ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa kaloo aannu ka shaqaynayna arrimaha dhulka oo kale oo dad badan hadda ku dhex jiraan, waxaanan kala shaqaynaynaa Wasaaradda Degaanka, waxa aannu haynaa daraasaado arrimaha khilaafyada dhulka ka samaynay, waxaanan ogaanay in aanay jirin shuruuc dhinaca dhulka ah, isla markaana aanay jirin siyaasad guud oo qaranka Somaliland ka leeyahay arrimaha dhulka, iyadoo aannu ogaanay in dhulku gacanta u galay dadweynaha, kana baxay gacantii dawladda oo nin kastaaba ootay dhul kiiloo mitiro ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Fulinta Akadamiga Nabadda Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Cabdiqaadir Iimaan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa Akadamiga N abadda iyo Horumarinta uga mahadceliyey waxqabadka iyo taageerada ay ka gaystaan hawlaha qaranka Somaliland.

“Waxa aannu Akadamiga ugu hambalyeynaynaa, kuna bogaadinaynaa doorka ay qaranka kaga jirto xagga horumarka, dimuqraadiyadda, maamuld-daadejinta, isku haynta iyo isku xidhka ururrada bulshada rayidka ah, annago haddii aannu xubnaha komishanka nahayna waxa Akadamigu ahayd kooxdii u horaysay ee aannu la kulano, kuna nidhaah talo na siiya, halkee ayaannu wax ka bilawnaa idinka ayaa hawlaha ku soo jiraye, muddo bil iyo badh aannu fadhinay talo ayaannu urursanaynay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku.

Waxa kaloo uu xusay inay ku hawlan yihiin sidii ay u urursan lahaayeen tallooyin badan, isla markaana ay qaranka Somaliland ku hoggaamin doonaan hannaan doorashooyin oo xor iyo xallaal ah, waxaannu yidhi, “Anagoo rajaynayna in aannu ka baxno oo toddobada xubnood ee Komishanka oo isku duuban ay tijaabooyinka ama imtixaanka adag ee aad na hordhigteen ee aad tidhaahdee wakiil nooga noqda si aad noogu hogaamisaan doorasho xallaal ah, xor ah oo nadiif ah sannadkan gudihiisa insha allaah. Wax badan idin odhan maayo, weynu wada shaqayn doonaa, waxaanan idiinka baahanahay tallooyin aynu ku wadashayno inagoo koox qudha ah, haddii ay tahay ururada bulshada rayidka ah, dumarka, dhallinyarada iyo haddii ay tahay dadka ay tallada qaranku ka go’do, annagoo doonayna in inagoo mid ah aynu qaranka Somaliland ku hogaamino hannaanka dimuqraadiyadiisu sii socoto, kuna socoto horumarka iyo nabadda.”

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in Akadamiga Nabaddu door muhiim ah ka qaato hawlaha la xidhiidha dimuqraadiyadaynta, maamul-daadejinta iyo dib-u-heshiisiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha dhulka oo dadku ooteen dhul aad u badan, kuwaasoo halis ku ah degaanka.

Xidhiidhiyaha mashaariicda ee Akadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Mr. Axmed Diiriye, ayaa si faahfaahsan u sharraxay ujeedooyinka loo dhisay guddiyada hoggaaminta, kuwaasoo uu xusay inay Akadamiga kala shaqayn doonaan ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha dimuqraadiyadda, Maamul-daadejinta iyo xallinta khilaafyada ka dhaca gudaha Somaliland, si gaar ahna u khuseeya arrimaha bulshada.

Waxa uu tilmaamay in xafladda daah-furka ee la qabtay shalay ahayd wejiga labaad ee lagu dhisayo saddex guddi-hawleed oo ka shaqayn doona saddex tiir oo kala ah; Tiirka Doorashooyinka ama dimuqraadiyada (Democratization pillar), Tiirka Maamul-daadejinta (Decentralization Pillar) iyo tiirka Dib-u-heshiisiinta bulshada (Social Reconciliation Pillar), kuwaas oo la shaqayn doona Akadamiga Nabadda, iyadoo tiir waliba ka kooban yahay ilaa 15 xubnood oo kala socda qaybaha bulshada oo dhan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories