HomeAkadamiyadda Nabadda Iyo Horumarinta Oo Qabatay Kulan Lagaga Dooday Saami-qaybsiga Doorashada Golaha...

Akadamiyadda Nabadda Iyo Horumarinta Oo Qabatay Kulan Lagaga Dooday Saami-qaybsiga Doorashada Golaha Wakiilada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, ayaa kulan dood ah oo lagaga hadlayey Arrinta Saami qaybsiga Doorashada Golaha Wakiillada ee soo socota waxa ay ku qabatay magaalada Hargeysa.

blankKulankan oo ay ka soo qayb-galeen Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Dhalinyaro Asxaab iyo Ururada Bushada Somaliland ayaa waxa lagaga dooday qaabka loo gali karo doorashada golaha Wakiillada.

Ugu horayn waxa kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Akadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax, kaas oo sheegay in Somaliland siyaasada iyo waaqiciga jira ay kala koreen, isla markaana siyaasadu aanay la korin.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga UCID Prof Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in saami qaybsi 50% ah ay doonayaan in lagu qaybiyo doorashada golaha wakiilada oo ay helaan beelaha darifyada Somaliland, halka Beesha dhexena ay hesho 50% ka kale, sidoo kale Axmed Siciid Cige oo ah  faanqeeye siyaasada ayaa isaguna tilmaamay in Somaliland ay dimuqraadiyada ku fashilantay.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Axmed Cali Casoowe ayaa isaguna ku dooday in doorashadii ugu dambaysay ee Baarlamaanka Somaliland ay xisbiyo qaybsadeen isla markaana saddexda xisbi ay isku reer yihiin oo ay doonayaan in beelnimo wax lagu qaybsado.

Doodan ku saabsan doorashada Golaha Wakiilada ee ay Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somailand oo ay soo qaban qaabisay, isla markaana dad badan ay ka hadleen ayaa waxa ka mid ah xubnihii doodooda dhiibtay Prof. Maxamed Cismaan Fadal, Siyaasi Cabdilaahi Dirawal, Xildhibaan Bulqaas iyo Xildhibaan Cartan, Maxamed Abiib, Aqoonyahan Aadan Muuse Jibriil iyo xubno kale oo tiro badan.

 

@HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories