HomeAjandaha Shirka Madaxda Afrika Uga Socda Johannesburg Oo Ka Hortagga Al-shabaab ku...

Ajandaha Shirka Madaxda Afrika Uga Socda Johannesburg Oo Ka Hortagga Al-shabaab ku jiro

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Johannesburg, (SLpost)- Madaxda Afrika ayaa maanta shirkii Midowga Afrika ku yeelanayaan magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfur Afrika.

Hal-kudhegga rasmiga ah ee shirkan oo ah kii 25-aad ee Midowga Afrika ayaa ah “Sanadka Xoojinta iyo Horumarinta Haweenka”.

Hase yeeshee arrimaha la filayo inay horkacaan ajandaha ayaa waxa ka mid ah weerarrada ajaanib nacaybka ah ee dhawaan ka dhacay Koonfur Afrika, jahwareerka ka taagan Burundi, dhibaatada ka jirta Koonfur Sudan iyo arrimo kale.

AfrikaMidowga Afrika ayaa inta badan waxa lagu dhaliilaa inuu ka fogaanayo wax ka qabashada xaaladaha huraya ee saamaynta ku leh qaaradda, sannadkanna shir-madaxeedka lama filayo inuu ka duwanaado kuwii ka horreeyay.

Dadka wax indha-indheeya waxay sheegayaan in dooddo la qaban doono, laakiin natiijadu ay noqon doonto meel madhan.

Ajandaha buuxa waxa la filayaa inuu diiradda saaro Burundi, qalalaasaha Koonfur Sudan, mashaakilka Nigeria ka haysata dagaalka ay kula jirto Boko Xaraam iyo khatarta ay Al Shabaab ku hayso Afrikada Bari.

Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir, oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada u doonayso eedeymo ku saabsan dembiyo dagaal ayaa sidoo kale jooga magaalada Johannesburg si uu shirka uga qayb galo.

Amnesty International ayaa ugu baaqday xukuumadda Koofur Afrika inay xidho oo gacanta u galiso maxkamadda ICC.

Koonfur Afrika waxay ogolaatay inay shirka martigaliso daqiiqaddii ugu dambaysay, khataro argagixiso oo ka jira Chad dartood.

Laakiin qalalaasihii u dambeeyey ee ajinabi nacaybka ah ee magaalooyinka Johannesburg iyo Durban ayaa weji gabax ku noqday dalka shirkan marti-galinaya.

Zimbabwe, Mozambique, iyo Nigeria ayaa ku dhaliilay xukuumadda madaxweyne Jacob Zuma weerarrada.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories