HomeAjandaha Golaha Wakiilada Oo Laga Saaray Xeerkii Golaha Wakiilada Lagu Soo Dooran...

Ajandaha Golaha Wakiilada Oo Laga Saaray Xeerkii Golaha Wakiilada Lagu Soo Dooran Lahaa ee Muranka Dhaliyay iyo Xildhibaanada Galbeedka oo Soo Dhaweeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)- Shir guddoonka golaha wakiillada Somaliland iyo xildhibaannada Awdal iyo Salal ayaa maanta shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen ku sheegay in xal laga gaadhay xeerkii doorashada wakiillada ee muranka dhaliyay.

Shir guddoonka ayaa sheegay in xeerka laga saaray Ajandaha golaha islamarkaana loo qorsheeyay in talo qaran laga yeesho sidii gobolada dalka loogu qaybin lahaa Kuraasta. Xeerkan oo Ajandaha lagu soo daray kalfadhigan golaha kana mid ah asbaabaha doorashada dib u dhigay ayaa mudaneyaasha Awdal iyo Salal muddo todobaado ah uga maqnaayeen golaha kadib markii ay sheegeen in cod lagu muquuninayo islamarkaana aanay saamigooda ka helayn golaha wakiillada oo ay hadda 13 mudane ku leeyihiin.

Guddoomiye xigeenka wakiilla Baasha Managed Faarax ayaa sidan u sharaxay is afgaradka la gaadhay “Waxaa jirtay in xildhibaannada Awdal iyo Salal golaha ka maqnaayeen, sababta ay uga maqnaayeena waxay ahayd xeerkii doorashada golaha wakiillada oo saami qaybsigu ugu weynaa. Shir guddoonka iyo xildhibaannada wada hadalo ayaa u socday, xeerkiina waa laga saaray golaha, waxaa loo dhiibay guddi oo xeer cusub oo doorashada lagu galo ayaa la soo samaynayaa, waxa ugu weyni waa saami qaybsiga, saami qaybsigana golahani talo kama gaadhi karo, markaa talo qaran ayuu baahan yahay, waxaa loo gudbinayaa goleyaasha, madaxweynaha, xisbiyada, gobolada Awdal iyo Salalna wixii dhacay waanu ka xunnahay”

Guddoomiye xigeenka labaad Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa isna sheegay in xeerkani u baahan yahay talo qaran iyo xal waara, maadaama gobolada oo dhani qabaan tabashooyin ku aadan kuraasta ay ku leeyihiin “Arrintan saami qaybsigu waa arrin xaasaasi ah, baarlamaankii naga horeeyay wakhti badan bay ka qaadatay, maaha uun tabashadu labadaas gobole gobolada kale qudhoodu way guuxayaan, markaa waxay nala tahay in arrintaas lala qaybsado golaha oo haddii golaha lagu sii daayo waxay noqonaysaa dhibaato weyn” ayuu yidhi Guddoomiye xigeenku.

XIldhibaannada reer Awdal iyo Salal ayaa sheegay inay habkan shir guddoonku aqbalay ayidsan yihiin islamarkaana u mahadcelinayaan shir guddoonka oo xeerkaasi ka saaray Ajandaha goluhu kalfadhigan ansixin lahaa.

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud Jibriil oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa isna ka mahadceliyay is afgaradka labada dhinac “Xaqiiqatan aad baan ugu mahadinayaa xildhibaannada golaha wakiillada ee Awdal iyo Salal, sida fiican ee ay u qaateen markii guddoomiye xigeenka wakiilladu kulan la yeeshay oo uu ka raali galiyay wixii hore u dhacay,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories