Home“Ajaanibku Waxa ay la Wareegeen 70%(Boqolkiiba Todobaatan) Ilaha Dhaqaalaha Waddanka” Wasiirka Madaxtooyada...

“Ajaanibku Waxa ay la Wareegeen 70%(Boqolkiiba Todobaatan) Ilaha Dhaqaalaha Waddanka” Wasiirka Madaxtooyada Koonfur Afrika

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka madaxtooyada waddanka Koonfurta Afrika, Jeffrey Thamsanga Radebe, ahna guddoomiyaha guddi wasiirro ah oo madaxweyne, Jacob Zuma uu bishii Abriil ee sannadkan u magacaabay inay dib u eegis ku sameeyaan howlaha socdaalka iyo tacadiyada loo gaysto ajaanibta ku dhaqan dalkaas ayaa sheegay in Koonfur Afrika aaney ahayn dhammaantood dad ajaanibta neceb.

Jaffrey ayaa hadalkan ku sheegay warbixin uu siinayay guddi ka kooban 25-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka waddanka Koonfur Afrika kuwaasoo loo saaray inay baadhitaan ku sameyaan dilalka, dhaca iyo boobka loo geysto ajaanibta ku leh ganacsiyada tulooyinka isku-raranta ah ee ku yaalla gobollada South Afrika.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ajaanibta ay sabab u yihiin kuwa lug ku leh dhibaatada aan dhammaadka lahayn ee lagu hayo; isagoo sheegay in ajaanibtu ay la wareegeen 70% ilaha dhaqaalaha waddanka Koonfur Afrika, gaar ahaan tuulooyinka isku-raranka ah ee ku yaalla meelaha ka baxsan magaalooyinka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay ganacsatada ajaanibta ah inay yihiin dad aan u hog-gaansamayn shuruucda dalka, canshuurahana aanay bixin, wuxuuna tusaale u soo qaatay, xaafadda Ivory Park-Tembisa oo uu xusay in ganacsiyada ku yaalla ay 70 ka mid ah ay u furan yihiin dadka dalka u dhashay, halka 147-da kalena ay u furan yihiin ajaanibta.

Dhanka kale, wuxuu sheegay wasiirku in xaafadda Imzamo Yethu-Hout Bay ee gobolka Wetern-cape: 58 ganacsi ay u furan yihiin ajaanibita. sidoo kalena. Vrygrond, Cape Town ay iyadana ganacsiyada 86-ka mid ah ay leeyihiin ajaanibta, halka 44-ka kale ay leeyihiin Koonfur Afrikaanka, taasoo uu sheegay inay markhaati u tahay in ajaanibta ay aad ugu xooggan yihiin ganacsiga Koonfur Afrika.

Xaafadda Delft ee magalada Cape-town ee gobolka Western Cape ayaa noqotay xaafadda kaliya ee ganacsatada u dhashay waddanka Konfur Afrika iyo ajaanibta ay ka siman yihiin tirada ganacsiga, 89ka mid ah goobaha ganacsi Konfur Afrikaanka ayaa leh, halka 90-ka kalena ay leeyihiin ajaanibta, sida uu sheegay Jeffrey.

 

Ugu dambeyn, wasiirka madaxtooyada dalka Koonfur Afrika ayaa guddiga baarlamaanka dalkaas u sheegay inay xidhi doonaan ganacsi walba oo shuruucda dowladaha hoose aan u hoggaansamin, xukuumadda iyo guddiga uu madaxda ka yahayna ay dhib u eegi doonaan nidaamka socdaalka ee waddanka, si loo yareeyo khillafaadka u dhexeeya muwaadiniinta iyo dadka ajaanibta ah ee ku nool ku dalka Konfur Afrika.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories