HomeAjaanibkii ugu Badnaa ee Ka Shaqeysanayay Gudaha Somaliland oo Maanta Ka Gudbay...

Ajaanibkii ugu Badnaa ee Ka Shaqeysanayay Gudaha Somaliland oo Maanta Ka Gudbay Xuduudda Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wajaale, (SLpost)- Ajaanibka ku sugnaa gudaha dalka Somaliland,islamarkaana intooda ugu badani kasoo jeedeen dalka Itoobiya, ayaatiradii ugu badneyd ee dadkaas ahi waxy maanta arbacadii si qulqul ah uga talaabeen Magaalada Tog-Wajaale ee Ku Taala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.

Qaar kamid dadkaas oo Warbaahintu wax ka weydiisay , socdaalka xiligan ay ugu gudbayaan dalka Itoobiya ayaa, sheegay in ay qaateen amarkii dhawaan kasoo baxay Xukuumada ee mudada loogu qabtey in ay kaga baxaan dalka, iyadoo ay afar caana-maal ka hadhsan yihiin mudadii loo qabtey in ay kaga baxaan dalka Somaliland,taas oo ay sheegeen in ay cabsi weyn ka qabaan in ay ku sii nagaadaan dalka maadaama ay digniinta noocani tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo Xukuumada Somaliland u jeediso ajaanibka ku sugan gudaha dalka intii ay jirtey.

Tirada dadka Ajaanibka ah ee maanta ka Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya ayaa tiradoodu dhamayd shan boqol iyo todobaatan iyo lix qof kuwaas, oo dhamaantood ku gaashaanaa agabkoodii ka yaalay dalka intii ay qaadan karayeen, waxaanay kahor intii aanay ka gudbin xuduuda soo maren Xarunta Laanta Socdaalka Tog-Wajaale, halkaas oo lagaga sii diiwaan galiyay magacyadooda, oo maalin walba laga diiwaan galiyo inta ka ka bexeysa dalka .

Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale C/rashiid Axmed Xasan oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in ay dadka ajaanibka ah e maanta ka talaabay xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan inta soo martey Xarunta Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ay dhamaayen 576 qof(Shan boqol iyo todobaatan iyo lix qof)taas, oo afar laab ka badan intii shaley ka gudubtay Xuduuda u dhexeysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kale oo Taliyuhu xusay in ay u badnaayen qowmiyada oromada ee dalka Itoobiya kuwaas oo inta hada ka baxay dalku u badan yihiin kuwa shaqooyin kala duduwan ka hayay gudaha  dalka Somaliland.

“Tirada maanta ka gudubtay xuduuda ee ka baxay dalkeenu waa tii ugu badnayd dadkii ajaanibka ahaa ku sugnaa gudaha Somaliland, waxaanay u badan yihiin qowmiyada Oromada ee Dalka Itoobiya, waana dadkii ka shaqeysanayay gudaha dalka oo kuma jiraan wali kuwii dawarsanayay,maalin walba wey gudbayeen waana la diiwaan galiyaa haseyeeshe, maanta ayay ugu badnaayeen”Sidaa waxa yidhi Taliye Xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale.

Waxa ka hadhay hada mudadii ay Xukuumadu u qabatey in ay dadka ajaanibka ahi kaga baxaan Somaliland afar maalmood iyadoo, tan iyo intii amarkani soo baxay ay joogsadeen kumanaan qof oo tahriibayaal itoobiyaan ah oo maalin walba kasoo gudbi jirey xuduuda u dhexeysa labada dal kuwaas oo, qaarkood lasoo qaban jirey qaarna ay ka fakan jireen Ciidanka Booliska Somaliland iyo Laanta Socadaalka ee Xuduuda.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories