Home"AHN Cawke ayaa ii Bixiyey Magaca Jidhif Habeen Caddo ah oo aannu...

“AHN Cawke ayaa ii Bixiyey Magaca Jidhif Habeen Caddo ah oo aannu Kubbad Wada Ciyaaraynay” Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Jidhif

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (jidhif),ayaa si qoto dheer uga waramey waayo xusuus leh oo ay caruurnimadoodii soo wada qaateen Marxuum Axmed Xasan Cowke oo ay kuwada noolaayeen Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya halkaas oo aheyd halkii ay ku barbaareen ee ay bilowgii sanadkii 1961kii ku dhameysteen Waxbarashadii Quraanka oo ay kawada bilaabeen Malcaamadii Aw Aadan oo aheyd Sanadihii lixdanaadkii Dugsiyada ugu waaweyn ee lagu barto Quraanka Kariimka Tog-Wajaale.

Magaalada Tog-Wajaale oo lixdamaadkii aheyd Magaalo qadiim ah oo camiran ayaa, budhigeeda Waxa lahaa Sida uu Sheegay Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif) Xasan Suufi Cilmi(Xasan-Cowke), oo dadka Deegaanada fog kayimaada gaar ahaana Miyiga hadii wax lagaga iibsan waayo Magaalada sida Gegida Xoolaha, Subaga, Caanaha,Xaabada, Hadhuudhka,Galeyda, isagu qiimihii ay ku doonayeen dadkaasi ka siisan jirey oo lagu rogi jirey Tukaankiisa.

“waxaa mar lana wada qoray malcaamad ku taalay magaalada Togwajaale oo uu lahaan jiray sheekh aw Aaden la,odhan jiray sidoo kalana waxaa mar lana wada qoray iskuulkii Tog-wajaale  iyada oo mar lana wada qoray (Class one) Fasalka Koowaad ama Ulo ilaa Dugisigii hoose ayaanu kuwada dhamaysanay iskuulkaas taas oo lanoo wada badalay iskuulkii camuud ee Magaalada Boorama halkaasna aanu ku wada dhamaysanay ilaa intermediatekii,Dugsigii Dhexe waxaanu  uga sii gudubnay Dugsigii Cadaadley oo uu mar soo galey, laakiin Dugsigii Sare uu ku qaatey Sheekh Sheekh oo xiligaa lagu soo qaadan jiray Dugsiga sare taas oo markii aanu dhamaysanay aanu ku kala weecanay dhinaca takhakhuska oo isagu u baydhay dhinaca saxaafada halka ana cilmiga militariga” ayuu yidhi Mujaahid Jidhif

Mar uu ka hadlayay shaqsiyadiisa waxa uu yidhi “Ala ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cowe Wuxu ahaa ilaa caruurnimadiisii ilaa iyo maanta xiligaa uu soo gaadhay  nin dabeecad wanaagsan,dulqaad badan,deeqsiya,oo aanay farxadi ka dhamaan ayuu ahaa oo aanan xasuusan karin maalina isaga oo cadhoonaya, runtiina ma aheyn shakhsiyad leh wax cadaawad ah  ma ahayn oo waxad ka garataa jacaylka ay u qabeen dadka afka soomaaliga ku hadlaa guud ahaan” Ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha uu ku xasuusto ayaa wuxu yidhi

“waxan ku xasuustaa in uu ahaa ninkii ii bixiyay magaca dadka badidiisu ii yaqaanaan ee Jidhif waxana ay ahayd habeen cado ah oo aanu kubad wada ciyaaranay magaalada Togwajaale ilaahaybaan uga baryayaa in naxariistii jano ka waraabiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday jananku.

isaga oo ku hadlaya magaciisa kan xaaskiisa,kan warbaahinta iyo shacabwaynaha Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelkii,Qaraabadii,Asxaabtii iyo guud ahaan Shacabweynaha Somaliland geeridii ku timid alla ha u naxariistee marxuum Axmed Xasan Cawke oo saaka ku geeriyooday magaala Jigjiga ee xarunta ismaamulka deegaanka somlida Ethiopia, waxaanu taliyuhu tacsi gaara u dirayaa Canab Xasan Cawke iyo Xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay marxuumku waxaanu ilaahay uga baryayaa in Rabi janatul fardawsa ka waraabiyo samir iyo iimaana inaga siiyo.

Mujaahid Jidhif  oo Dareenkiisa ay ka muuqatay  murugo badani ayaa intaa sii raaciyay in ay marxuumka meel kusoo wada koreen isku Fasalna ahaayeeen, malcaamad ilaa iskuul.

“Rabi iilka ha unuuro oo neecaw qaboq iyo naruuro haku siiyo qabriga Marxuum Axmed Xasan Suufi Cilmi (Axmed Xasan-Cowke)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories