HomeAhmiyadda Kaydka oo loo Beddalo Casriga Dhijitaalka iyo Maalinta 5aad ee Bandhigga...

Ahmiyadda Kaydka oo loo Beddalo Casriga Dhijitaalka iyo Maalinta 5aad ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Carwada 15-aad ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa maalintii shanaad maanta si xidhiidh ah uga socday Xarunta ee Dhaqanka ee Hargeysa.

Munaasibadda sannad laha ah ee Carwada 15-aad ee Caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa, ayaa maalintiisii shanaad si qoto dheer loogu lafa-guray, muhiimadda ay leedahay in wixii kayd ah loo beddalo casriga dhijitaalka ah.

Mawduucan oo uu ibo-furay guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac, ayaa si xeel dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la kaydiyo wixii maskax iyo cajaladba ku jira, isla markaana loo rogo nidaamka dhijitaalka, si aanay u lumin wixii hadda la hayo, iyadoo laga hor tagayo inay lumaan taariikhda, afka soomaaliga, suugaanta, aqoonta iyo wixii la hal-maala ee ku duugan maskaxda dadka iyo cajaladihii hore, taas oo uu Dr Jaamac ku tilmaamay, in ay ayaan-darro tahay in marka shakhsi wayn bulshada ka baxo ee uu la dhinto wixii maankiisa ku duugnaa, ay la mid tahay maktabad gubatay.

Haddii cajaladaha loo beddalo dhijitaal maxaa soo baxaya?
Weydiintan oo ahayd ta ugu mudan ayuu Dr Jaamac isagoo qodobbaynaya kaga war celiyey, waxaanu si qodobaysan u sheegay:-

  • In aanay marnaba hallaabayn kaydka la hayaa.
  • In jiilka mustaqbalku u aayi doonaan kaydkaa.
  • In Cilmi-baadhayaasha faca soo socda ay u fududaan doonto sidii ay ku heli lahaayeen xog 50 sanno ka hor ahayd.
  • In waxa la kaydinayaa aanay kaliya ahayn cajaladaha, ee la kaydin doono agabkii hore iyo af-guriga iyo mood iyo nool wixii ku gubtay suuqa waaheen, si ay xusuus iyo taariikh ugu noqoto ayniga soo socda mustaqbalka.
  • In ay dhawrsanaan doonto xuquuqda qof kasta oo taariikh, suugaan iyo aqoon reebay oo aanay dhici doonin in cid kale sheegato wax ayna lahayn.
  • In dadka aragga iyo maqalka naafada ka ah ay qoraal iyo dhageysiba ku heli karaan kaydka loo beddalay dhijitaalka, iyadoo dadkaas loo soo wado barnaamij u sahlaya helitaanka wixii la kaydiyey.
  • In la sawiri karo wixii dhacay waqtiyadii hore
  • In la qori doono wax kasta oo kaydka lagu hayo

Dhinaca kale, Xafsa Cumar oo ah Maamulaha u xil-saaran isku beddalidda kaydka iyo dhijitaalka, ayaa mawduucan ka qayb qaadatay, iyadoo xustay in hawshaas mugga lehi mudnaanteeda leedahay.
Xafsa oo is dul taagtay arintaa ayaa sheegtay, in waddanka ingiriisku qaatay kayd badan oo ay somaliland lahayd, taas oo ay ku sababaysay in aan muhiimadda kaydintu leedahay aanay weli bulshada badankeedu fahmin, “Maaddaama aynu haysan kari waynay waa la qaatay, waana in aynu soo ceshannaa wexeenna”
Xafsa ayaa bulshada somaliland ka codsatay in wixii kayd la hayo lagu soo xareeyo xarunta muusiyamka ee kaydka.

Nerisa Kamar oo ah isku duwaha iyo wakiilka ururka warfaafinta africa ee (IAO) oo si toos ah uga soo hadlaysay qalabka skeype-ka.
Nerisa Kamar oo ka soo hadlaysay waddanka kenya ayaa bogaadisay fikradda wax lagu kaydinayo.

Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa sheegay in ay jiraan dhawr iyo labaatan dowladood oo Afrikaan ah, dowladahaas oo ay somaliland ku jirto ayaa sameeyey barnaamij isku xidhaya maktabadaha dowladda, barnaamijkaas oo anfici doona jaamacadaha iyo bulshadaba, wuxuna xusay in guddida dowladahaasi ay kulmaan bishiiba hal mar.
Dr. Jaamac ayaa sheegay in xarunta kaydaka lagu hayo in ku dhow afar iyo tobon kun oo cajaladood iyo shan iyo soddon Riwaayadood oo kuwii hore ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories