HomeAhmadinejad: ‘Jiritaanka Israa’iil waxa uu Meel ka-Dhac ku yahay Bani’aadamnimada’

Ahmadinejad: ‘Jiritaanka Israa’iil waxa uu Meel ka-Dhac ku yahay Bani’aadamnimada’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tehran (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Iran Mohamoud Ahmadinejad ayaa weerarkii ugu khatarsanaa ee dhanka siyaasadda ku qaaday dawladda Yuhuudda isaga oo sheegay in jiritaanka Israel meel ka-dhac ku yahay bani’aadamnimada.

Madaxweyne Ahmadinejad waxa uu sheegay jiritaanka Israel oo laga soo horjeedsadaa tahay dedaal lagu ilaalinayo sharafta bani’aadamka dunida guudkeeda ku  nool.

blankAhmadinajad waxa uu sidan ku sheegay mar uu maanta khudbad u jeedinayay ardayda jaamacadda magaalada Tehran iyadoo hadalkiisanina ku soo beegmay wakhti ay dawladda Israel ku doodayso inay weerar ku qaaddo Iran.

“Jiritaanka dawladda Zahnuuniyaddu waxa uu meel ka-dhac ku tahay Bani’aadamnimada,” ayuu yidhi Ahmadinejad oo khudbad ka jeedinaya Jaamacadda Tehran University ka dib markii uu dhammaaday isu-soo bax sannadle ah oo shacabka dalkaasi ku taageeraan qaddiyadda Falastiin kaas oo la qabto sannad kasta Jimcaha u dambeeya ee Bisha Ramadan.

“In laga soo horjeedsado jiritaanka nidaamka Zionist ee la dhoob-dhoobay, waxa ay xaqiiqdii gaashaan u tahay xuquuqda iyo sharafta bani’aadamka oo dhan,” ayuu yidhi Ahmadinejad oo qoorta ku duuban cumaamadda midabbadeedu madowga iyo Caddaanka isugu jiraan ee ay caanka ku yihiin Shacabka reer Falastiin.

Israel ayaa aaminsan in Iran khatar ku tahay gobolka Bariga Dhexe iyaga oo sabab uga dhigay marnaamijyadeeda Nukliyeerka iyo Gantaalada riddada fog, inay taagerto Kooxaha xag-jirka ah ee ka soo horjeeda Israa’iil iyo iyaga tixraacaya hadallo sidan oo kale ah oo madaxweynaha dalka Iran iyo Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas Ayatollah Ali Khamenei dhowr jeer kaga dhawaajiyeen iyaga oo muujinaya nacaybka Dunida Muslimku u qabto Israa’iil.

Haseyeeshee, Dawladda Iran ayaa beeninaysay eedaymo loogu jeediyey inay samaysanayso Hubka wax gumaado ee Nukliyeerka iyaga oo ku doodaya in Barnaamijkooda Nukliyeerku ku salaysan yahay dhinaca Korontada iyo Mishiinnada lagu daaweeyo Bukaanka cudurka Kansarka. Sidoo kale, Dawladda Iran waxa ay dhowr jeer ka digtay in haddii la soo weerary ay ka aar-goosan doonto Israa’iil iyo Meelaha Maraykanka Danahiisu kaga xidhan yihiin ee Bariga Dhexe.

Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexeysa Iran iyo Israel ayaa sii xoogaysanayey tan iyo sannadkii 2005 wakhtigaas oo madaxweyne Ahmadinejad sheegay in Isreal maalin uun kala tirtiri doono khariiradda Adduunka. Madaxweynaha Iran waxa uu xilligaas soo qaaday Xasuuqii Holocaust ee Naasiigii Jarmalku u geystay 6 milyan ee Yuhuud ah intii lagu jiray dagaalkii 2aad ee dunida isaga dhacdadaas ku tilmaamay Sheeko aanay waxba ka jirin oo Israel dano gaar ah ka leedahay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories